Muudeey oo shaaciyay in la xaday dastuurkii saxda ahaa ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiwali Sheekh ibraahim Muudey oo ah Ku-simaha Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia, ayaa shaaca ka qaaday in la xaday Dastuurkii saxda ahaa ee baarlamaanka Somalia.

Muudey, ayaa sheegay in Dastuurka hadda lagu shaqeeyo uu yahay mid aan sax aheyn, isla markaana uu yahay mid dhan waliba ka khaldan.

Muudey, waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan ku shaqeyn dastuurkii ay meelmariyeen Odayaasha dhaqanka ee loogu tala galay in dalka lagu maamulo, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Dastuurka aan hadda ku shaqeyno maaha kii ay ansixiyeen Ergada Soomaaliyeed, waxa aan ku shaqeyneyno waa mid aanba caadi aheyn’’

‘’Dastuurkii hore waa la xaday marka waxaan dooneynaa inaan sameysano mid sax ah oo kala sifeynaaya mugdiga iyo xaqiiqda’’

Muudey, waxa uu sidoo kale sheegay in dastuurkii hore uu ahaa mid ay maalgaliyeen dalalka Shisheeye, islamarkaana ay hadda muhiim tahay in la helo dastuur ay yeelato dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Guddoomiye Muudey ayaa Gudoomiyaha Guddiga dastuurka labada aqal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ugu baaqay in uu ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa dastuur Saxan.

Haddalka Muudey, ayaa kusoo beegmaaya xili ay dowlada Somalia saaxiib u noqotay khilaaf iyo is qabqabsi Siyaasadeed oo aan ku saleysneen waxa uu qabo Dastuurka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com