Muudey: Wixii ilmo Sheekh kulmiyay lama yareysan karo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cabdulqaadir Muudey oo ka mid siyaasiyiinta ka soo jeeda HirShabelle ahna La taliyaha dhanka warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle ayaa isagoo aragtidiisa ku cabiraya sida ay hal saf uga soo wada jeesteen Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya waxaa uu sheegay inaanay la dhayalsan karin isla jooggooda.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somaliya iyo Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii xilka ku wareejiyay Xasan Sheekh ayaa maalmihii la soo dhaafay aad u dhaliilayay Dowladda Federaalka Somaliya. Tani waxay ka dambeysay markii dowladdu ay xanibtay diyaarad uu la socday Shariifka oo ku sii jeeday Magaalada Kismaayo.

Xasan C/qaadir Muudey ayaa sheegay inaanay la yareysan karin isla joogga madaxdaasi, iyadoo aan loo gafeynin aragtidooda ku aadan marxaladda uu dalku marayo.

“Wixii ilmo Sheekh kulmiyay inay isla wada joogsadaana kalifay waa arrin u baahan in aan la yareysan, loona gafin aragtidooda ay maalmahaan inala wadaagayeen.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey.

“Waa laba Madaxweyne oo si dimuqraadiyadeed xilalka u kala wareejiyay, waxayna ku soo shaqeeyeen marxalado aad iyo aad u adag. Labudaba waa ehel ka soo wada jeeda Caasimadda Muqdisho, waxayna wada yihiin curadka iyo yaraanka bahda ay ka dhasheen.” Ayuu sii raaciyay.

Wuxuu iftiimiyay in labada Madaxweyne oo siyaasadda ku kala aragti duwanaa inay markaan isu aragti ka noqdaan ay tahay mid u baahan in aanay Dowladda Dhexe ka gaabin saamaynta ay yeelan karaan.

“Waa laba Madaxweyne oo aad u kala aragti duwanaa, waxa ay isaga aragti noqdeen, waa wax u baahan in Dowladda Dhexe aysan ka gaabin u nuglaashaha khibradooda iyo saamaynta ay leeyhiin amaba yeelan karaan.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir.

Xasan C/qaadir oo la soo shaqeeyay dowladihii ay labadaasi hoggaamiye maamulayeen ayaa yiri “Aniga aragti ahaan inta ay dalka soo xukumayeen haddii ay khaladaad jiraan kama aamusi jirin, marna kama gaabin aragtidii aan ka qabay inta ay dalka soo hogaaminayeen.”

Muudey oo ilmo Sheekh la hadlayay ayaa yiri “Waxaan leeyahay Madaxweyneyaal waxaad qiimeeysaan xaaladda cakiran ee uu dalku marayo, gaar ahaan Muqdishada aad ka soo jeedaan.”

Muudey oo dhanka dowladana baaq u jeedinayay ayaa yiri “Madaxda Dowladda iyagana waxaan leeyahay waa muhiim in aad u dhega nuglaataan masuuliyiintii dalka dowladnimadiisa si dimuqraadiyad leh oo aan buuq lahayn idinkugu wareejiyay, waana laga maarmaan in aad la fariisataan, kuna qanacdaan wax kasta oo qaanuuni ah ay idiin soo jeediyaan.”

Muudey ayaa warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakadda bulshada xiriirisa ee Facebook.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com