25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Muungaab oo digniin culus soo saaray kadib gubashadii Suuq Bacaad

Bookmark
Bookmarked

Share

Mudqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta booqday suuqii xalay gubtay ee suuq Bacaad ayaa soo saaray digniin culus oo la xiriira gubashada suuqyada.

Muungaab ayaa sheegay in sababta uu u fiday dabkii xalay ay ugu wacan tahay waddo la’aanta suuqa, waxaana dabka ka dhashay khasaare xoogleh oo soo gaaray ganacsatada.

Sidoo kale Muungaab ayaa sheegay in maamulka gobolka uu qaadayo tallaabo deg-deg ah, isla markaana la bixinayo waddooyin waawayn, si haddii dhibaato dhacdo loogu gurmado.

“Suuqyada marka la habeynayo waxaa muhiim ah in waddooyin waawayn loo sameeyo hadhow haddii lacalla ay dhacdo mushkiladdan oo kale gurmadka deg-degga ah uu kusoo gaari karo inuu Ambalaaska kusoo gaari karo iyo ciidanka amniga” ayuu yiri Muungaab.

Waxa kale oo uu ballan qaaday in si deg-deg ah loo dhisayo suuqa, kadibna lagu wareejin doono ganacsatadii horay uga shaqeysan suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee dalka.

“Ganacsatadii waa joogtaa suuqaan dib ayaa loo habeynayaa, waxaana arrintaas hormuud ka noqonaayo ganacsatada suuqa, waxaana loo habeynayaa dadkii ku ganacsan jiray” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, duqa Muqdisho oo hadalkiisa sii wata ayaa ka digay in la siyaasadeeyo musiibadan, maadaama ay ku hanti beeleen dad badan oo Soomaaliyeed.

“Lama rabo arrintaan oo kale in la siyaasadeeyo, mana ah tii la siyaasadeyn jiray kooxaha siyaasadeynayo waxaan leeyahay iimaanka Allaha idin geliyo” ayuu markale yiri Muungaab.

Suuq Bacaad ayaa inta badan bas-beelay, iyada ooo] ay waqti badan qaadatay damibta dabkan, maadaama uu si degdeg ah ugu fiday qaybo badan oo ka mid ah suuqa, iyadoo halkaas ay ku burbureen hanti fara badan oo ay lahaayeen ganacsatadii camiri jirtay Suuq Bacaad.

Ciidamada dab-damiska ee Dowladda Hoose, kooxaha gurmadka degdegga ah ee shirkadda Hormuud iyo dhinacyo kale ayaa si wadajir ah uga shaqeeyay daminta dabka, oo saacado badan qaatay.

Si kastaba, Dabkan wuxuu mar kale muujiyey awoodda xaddidan ee Soomaaliya u leedahay wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, taasoo ah dhaxal ka dhashay tobanaan sano oo colaado ah iyo maalgelin la’aan.

- Advertisement -

Read more

Local News