26.3 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Guddomiye Muungaab oo sameeyay magacaabis si weyn looga fal-celiyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta wareegto soo saaray ayaa saameyn magacaabis si weyn looga fal-ceiyay, isla markaana dhalisay hadal-heyn xoogan.

Muungaab ayaa Mustaf Zakariye Bashiir Muude ayaa u magacaabay Agaasimaha Waaxda Bulaacadaha iyo Biyo Mareenada D/Hoose ee Xamar. Waxaana xilkii laga qaaday Maxamed Xasan Casir.

Basiima Ilyaas Muuse, ayaa iyadana loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kalluumeeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Gobolka Banaadir. Waxaana xilalkii laga qaaday Md. Mustaf Maxamed Macallin iyo Md. Cabdiqani Axmed Xasan.

Sidoo kale Maxamed Macallin ayaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Xog’haynta Guud ee Gobolka Banaadir. Waxaana xilkii laga qaaday Maxamed Afrax Xusuleey.

Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u rajeeyay mas’uuliyiintaan in ay dardargeliyaan howlaha shaqo ee loo idmaday.

Haddaba sidee looga fal-celiyay magacaabista uu maanta sameeyay guddoomiye Muungaab?

Ismaaciil Maare: “Ninka agaasimaha bulaacadaha loo magacaaby waxaan leeyahay meelahaan biyuhu fariistaan fikrad looga gudbin karo keen”.

Xamda Hilowle ayaa iyaduna tiri: “Agaasimaha waaxda iyo bulaacadaha anaa diiday i aamina”

Xasan Xareed Diini: “Midka loo magacaabay bulaacadaha islaan dariskeenna ah maaalin kasta biyo ur badan igu soo furtee kaalay wax ka qabo”.

Maxamed Warsame: “Dowladnimadii Somalia waxay noqotay mushaar lee la kala farsameysanayo”.

Cabdixamiin Caraale: “Agaasimaha waaxda bulaacadaha iyo biyo mareenada waa xilka ugu muhiimsan inta la magacaabay maanta waxa ay aheyd in asaga lasoo hormariyo”.

Cumar Faaruuq Axmed: “Wah! Waxaan ka dareey waayay. Muungabow dhiiqaa lugaha lagu galinooyaa ka joog”.

Cabdalle Cabdi Huriye: “Waa wareey buulcdaha xuquuq ay leeyihiin haddayba agaasime leeyihiin”.

- Advertisement -

Read more

Local News