25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Muuqaal: Farmaajo oo sharaxaad ka bixiyey sababta keentay inuu xafiiskiisa ku dhajiyo sawirka Aadan Cadde

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan xasfiiskiisa ku dhajiyey sawirka madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde).

Haddaba Madaxweyne Farmaajo ayaa sharaxaad buuxda ka bixiyey sababta keentay inuu sawirka Aadan Cadde maadaama arrintan ay noqotay mid dad badan ay hadal hayeen, markii labo cisho ka hor barta Twitter-ka Madaxtooyada la soo dhigay sawirka Aadan Cadde oo suran Xafiiska Madaxweynaha.

Facebook Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa lasoo dhigay muuqaal uu madaxweyne Farmaajo kaga hadlayo sababta keentay, wuxuuna yiri madaxweynaha

“Markaan arkayo subax walba sawirkiisa, macnaheeda waxay tahay in lagu daydo oo dalkaan u gudbay dimoqraadiyad, runtii aan dooneyno in aan horumarino dimoqraadiyada, taariikhdna mar walba aan xusno, isna uu ka ahaa astaan wanaagsan”

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka madaxweynaha

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News