25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Muuqaal: Kheyre oo ka hadlay lacagaha canshuurta ee kordhay, qaraxyada la fashiliyey iyo maqaamka Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta ka qeybgalay xaflad lagu soo dhaaweenayey guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin qaraxyada ay fashiliyeen Ciidamada Dowladda, Lacagaha canshuurta ee kordhay maadaama garoonka diyaaradaha gaar ahaan qeybta canshuurta Jaadka ay soo baxday in laga lunsan jiray lacago kadib markii la geeyey halkaas maamul Cusub, sidoo kalana wuxuu ka hadlay maqaamka Gobolka Banaadir iyo sida lagu heli karo.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso hadalada uu Ra’isulwasaraha halkaas ka sheegay oo koob kooban

“ Xukuumadda waxay bilowday inay amniga ka qabato tallaabooyin ad adag, waad aragtaan in maalin kasta la istaajinayo baabuur shacabka isku qarxin rabo, waxaana sii qaadi doonaa tallaabooyin cad cad” ayuu yiri Kheyre

“ Waad aragtaan canshuurtii dalka laga qaadayey way korortay, waxayna ku dhacdaa qasnadda dowladda si mushaaraadka loogu bixiyo, waad aragtaan inay muuqato isbadal ku dhici rabo qaabkii adduunka noola dhaqmi jiray, waad aragtaan inay dunida diyaar u tahay inay ku shaqeyso danta Umadda Soomaaliyeed, waad ogtihiin in xukuumadeeda ay saldhig u tahay in la isla xisaabtamo, haddii aan rabo inaan ka baxno dhibaatada waa inaan ka leexanaa dariiqayada dhibaatada na geeyey”

“ Sidaas dartee waxaan idinka codsanayaa laba arrin, hadaad rabtaan inaad heshaan xuquuqda Gobolka Banaadir waa inaad adinkoo isku duuban garab istaagtaan maamulka Gobolka Banaadir, farriinta aad rabtaana waa inaad isaga noo soo marsiisaan, waxaan idiin ballan qaadayaa in aniga iyo madaxweynaha aan garab istaagi doono maamulka Gobolka Banaadir, midda labaad oo aan idinka codsanayo waa inaad ogaataan meesha aad bulshada uga jirtaan, waxaad tihiin dadkii reer Muqdisho, waxaad tihiin dariiqii umadda soomaaliya wanaagga u mari lahaayeen, tallaabada aad idinka qaadaan ayey bulshada Soomaaliyeed ku dayanayaan, marka waa inadan marnaba iloobina mas’uuliyadda aad xambaarsan tihiin” ayuu yiri Ra’isulwasaare Kheyre.

Halkaan hoose ka daawo khudbada Ra’isulwasaare Kheyre uu jeediyey

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News