Muuqaal: Ma aamineysaa in cunug yar hadiyad ahaan loo bixiyey maalinta jaceylka Adduunka?

Haweeney kasoo jeedo dalka Turkiga ayaa ka yaabsatay ninkeeda intii ay socotay shalay dabaaldagga maalinta Jaceylka adduunka oo ku beegneyd 14 February 2017 kadib markii ay  u hadiyeysay santuuq uu ku jiray cunug yar oo adduunka joogay hal maalin.

Arrintaan ayaa ka dhacday caasimadda Gobolka Rize ee iyadana lagu magacaabo Rize oo dhacdo woqooyiga Turkiya kadib markii ay hooydaan dareentay inay usoo dhawaatay foosha oo markii hore la rajeenayey inay asbuuc ka dhiman tahay.

Goldan Diyar ayaa go’aansatay inay la xiriirto gabdho ay saaxiibo ahaayeen si ay u geeyaan isbitaal iyadoo aan warkaas la ogeysiin ninkeeda.

Asxaab badan ayaa u timaaday   Diyar waxayna u qaadeen Isbitaal si deg deg, waxayna dhashay saacado yar  kadib cunug kusoo beegmay maalinta Jaceylka adduunka oo ay lamaanayaasha is dhaafsanayeen farxadda jaceylka waxayna go’aansatay inay wiilkaan Hadiyad ahaan ugu geyso ninkeeda weliba si lama filaan ah.

Hooyada iyo gabdhihii ay saaxiibada ahaayeen ayaa guriga kusoo laabtay waxayna qolka fadhiga kusoo diyaariyeen waxyaabo qurux badan waxayna wiilkii yaraa dhex geliyeen santuuq weyn si ay uga dhigaan Hadiyad ay usoo diyaarisay ninkeeda.

Hooyadaan ayaa muuqaal kasoo muuqatay iyadoo sugeyso ninkeeda kuna dhawaaqeyso ” waxaad aheyd mid cunug filanayo  asbuucyada soo socdo balse hadda ayuu imaaday hadiyad ahaan ayaan kugu siinayaa, wax badan waan ku jeclahay”.

Aabaha cunugaan oo lagu magacaabo Ufuk Chakiqir ayaa soo galay qolkii lagu diyaariyey cunugaan waxaana wajigiiisa laga dheehan karay farxad wuxuuna isla markiiba bilaabay inuu dhunkado.

Markii uu muujiyey farxadiisa wuxuu yiri: ” waxaan maanta helay hadiyadii ugu wanaagsaneyd maalinta Jaceylka Adduunka, waxaan u mahadcelinayaa xaaskeyga sidoo kalana waxaan soo dhaweenayaa cunugeyga cusub”.

Maalinta jaceylka adduunka ayaa laga xusaa inta badan aduunyada inkastoo culumada islaamka ay ka dhigeen arrintaan iyagoo tilmaamay inaysan aheyn wax sharci ah.