Olole Guuled looga ceyrinayo Cadaado oo socdo iyo xiisadda oo ka dartay

Cadaado (Caasimada Online) –Waxaa dhawaan guuldaro weyn kasoo gaartay madaxweyne Xasan shiikh Maxamuud doorashadii ka dhacday Soomaaliya, waxaana la ogyahay inuu xasan yahay ninki Guuleed ku haayey Galmudug si kasta oo ay xildhibaanada ugu kacsanaayeen.

Haddaba warar hoose oo ay heshay shabakadda Caasimadda Onine ayaa xaqiijinayo inuu Guuleed dareemayo cabsi weyn oo xilkiisa ah maadaama uu Xasan ka baxay siyaasadda dalka wuxuuna markii hore qorshuhu ahaa in Guuleed xildhibaanada ku kacsan meel laga saaro marka Damul Jadiid ay mar kale doorashada ku guuleysato taasoo noqotay rajo ceel weyn ku dhacday.

Wararka ayaa intaas ku darayo inuu Guuleed halis ugu jiro in laga soo eryo caasimadda kumeel gaarka ah ee Galmudug (Cadaado) waxayna warar aan la hubin sheegayaan inuu Guuleed xilka iska casili doono maalmo yar kadib inta aysan Baarlamaanka Galmudug bilaabin ololaha lagu dooranayo Madaxweynaha cusub maadaama ay horey uga dhawaajiyeen inay xilkaas ka qaadeyn.

Guddoomiye ku xigeynka baarlamaanka Galmudug oo ah ninka ololaha ugu badan ee Guuleed lagu diidan yahay wado ayaa dhawaan Muqdisho kula kulmay beesha caalamka oo uu ugu horeeyo ergeyga qaramada midoobay u qaabilsan  Soomaaliya  waxaana markaas laga codsaday inay doorashada dib u dhigaan inta ay ka dhaceyso midda Soomaaliya madaxweyne loogu dooranayo.

Haddaba  waa laga guuleystay  doorashadiina way dhacday waxaa laga warsugayaa go’aanka ay qaadan doonaan baarlamaanka Galmudug oo aan marnaba laga fileyn inay raali ka noqdaan Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Midda ugu weyn ee dhibaatada ku noqotay Guuleed ayaa ah markii siyaasiyiin ay isku beel yihiin bilaabeen sidii meesha looga saari lahaa waxaana ugu horreeyo Xaaf iyo Fiqi.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com