Muuqaal: Ugaas Xasan oo dar-daaran qabow usoo diray Farmaajo

Beledweyne (Caasimada Online) – Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Waa mid kamid ah  duubabka dhaqanka  Soomaaliyeed kuwaas oo awood ku leh Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaana la ogaa inuu xiriir aan fiicneyn kala dhaxeeyey madaxweynihii hore ee waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud.

Ugaas  Xasan oo la ogaa inuu qaadacay shirkii jowhar ee lagu dhisay maamulka Hirshabelle ayaa saacado ka hor qabtay shir jaraa,id oo uu kaga hadlayey doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Ugaas Xasan ayaa shirkiisa jaaraa’id intiisa badan ka dhigay dardaaran kooban oo uu jeediyey Maxamed Cabdulaahi Farmaajo isaga oo ugu duceeyey inuu xilkiisa Alle ka garab galo isla markaasna si fudud ku qabsado mas’uuliyadda ka saaran shacabka.

haddaba hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com