Asmara (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya muuqaalladii ugu horeeyay kulankii magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxda Ururka ONLF oo uu horkacayey Guddoomiyaha ururkaasi Maxamed Cumar Cusmaan.
Guddoomiyaha ONLF ayaa shaaciyey kulankaasi oo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu raaligelin ka bixiyey dhiibistii ay dowladiisa Itoobiya u gacan celisay C/kariin Qalbidhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ONLF.
Wareysi uu siiyey idaacadda VOA, ayuu Maxamed Cumar ku sheegay inuu madaxweyne Farmaajo kula kulmay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, islamarkaana uu si shaqsi ah isaga raali-gelin uga bixiyey dhiibistii Qalbi-Dhagax iyo qaladaadkii ka dambeeyey ee dhacay.
Guddoomiyaha Ururka ONLF Maxamed Cumar Cusmaan oo la hadlay VOA-da ayaa yiri “Madaxweynuhu waxa uu raali galin kabixiyay haddalka kadhacay dowlada iyo xarigii sanadkii hore loo geystay Sarkaalka ka tirsan Jabhada ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax)”.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay in kulanka uu ahaa mid ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya waxa uuna aad usoo dhaweeyay in dowlada Somalia ay garwaaqsatay hadalkii khaladka ahaa ee kadhacay.