Muuse Biixi: Dr. Cali Ciise si xun ayaa loola dhaqmay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey munaasabad lagu xusay 25 guuradii aas aaska ciidamada Somaliland, ayaa sheegay in guuldaradii Dr. Cali Ciise Cabdi ka soo gaadhay Garoowe ay tusaale u tahay sida aan loo wada lahayn deegaanadaas iyo Soomaaliya oo dhan.

Muuse waxa uu ka hadlayey collaada Tukaraq oo uu ku sheegay in Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas abaabulkeeda lahaa.

Waxa uu tusaale u soo qaatay Dr. Cali Ciise, Professer Axmed Ismaaciil Samatar, Professor Cali Khaliif Galaydh iyo Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhammaan ku soo hungoobay hankoodii syaasadeed ee Koonfur.

Waxa uu sheegay in reer Puntland ay si xun ula dhaqmeen Dr. Cali Ciise, una muujiyeen inuusan ka mid ahayn reerkaas.

“Doorashadii lagu galaayey Garoowe waxaa isu soo sharraxay raga Soomaali ugu aqoon weyn mid ka mid ah Somaliland-na hormuudkeedii iyo aqoonteedii ugu horreeyey nasiib darro haddii ay tahay xuduud beeleed baan sameysanayaa dee ninka Somaliland, Laascaanood ka yimi waxa uu ahaa in uu tartanka ka qeyb galo oo wax laga siiyo in la yiraahdo Soomaaliya matihid ee Somalilander baad tahay dib ugu noqo dee mey ahayn intaas baa noogu filan caqliyadda taala Koonfur.”

Guuldaraddii Dr. Cali Ciise ka soo gaartay doorashadii Puntland oo ahayd mid la sii saadaalin karay ayaa dadka qaar rumeysan yihiin inay sii fogeysay shacabka Sool Sanaag iyo Cayn oo qaarkood diidan ka mid ahaanshaha Puntland.

Hoos ka daawo Muuse Biixi oo ka hadlaya arrinta Cali Ciise iyo arrimo kale

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com