‘Somaliland weli ma aqbalin qorshaha Turkiga uu wado’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay weli aqbalin dhawaaqyada Turkigu uu ku doonayo inuu dib u bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoonj), ayaa sheegay in xukuumadu dhawaan cadayn doonto mawqifkeeda ku aadan dhawaaqyada ka soo yeedhay dawladda Turkiga oo sheegtay inay Ergay gaar ah u magacowday wada hadalada.

“Waa dhab inuu Turkigu doonayo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin ilaa hadda si rasmiya looma shaacin, si rasmiyana looguma dhawaaqin wada hadalada iyo wakhtiga la qabanayaba, Dawlad ahaana ilaa hadda si rasmiya umaanu aqbalin wada hadalka, go’aan kama dambays ahna kamaanu gaadhin, laakiin go’aanka Somaliland ee wada hadalada Soomaaliya, si rasmiya ayaanu u soo saari doonaa insha allaah, waana ka hadli doonaa”. ayuu yiri Faratoon.

Dhinaca kale, Faratoon ayaa ka hadlay Ictiraaf raadinta Somaliland, waxaana uu yidhi “Wadan kasta oo doonaya inuu aqoonsi caalamiya helo, oo uu ka helo Beesha Caalamka, shuruudo ayaa lagu xidhaa, haddii uu Wadankaasi shurudahaas lagu xidhay oo ka soo baxo waa la aqoonsadaa, inaga Somaliland ahaana Shuruud kasta oo looga baahan yahay Wadan la aqoonsan yahay weynu ka soo baxnay”

Waxa ii intaas ku daray “Intii aynaan isku biirin Soomaaliya, 1960, waxaynu ahayn dal madax banaan, inagoo laba dal ah ayeynu isku biirnay, haddana dib ayeynu u kala baxnay, waxaana xaqiiqo ah oo aanu u sheegaynaa Beesha Caalamka, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika, Jaamaca Carabta, in aanu nahay dal madax banaan, dawlad madax banaan, oo hagaajista nidaamkooda dawladnimo, qabsaday Doorashooyin xor iyo xalaal ah, ka gudbay nidaamkii Beelaha, una gudbay nidaamka axsaabta badan iyo nidaamka Dimuqraadiyada, waxaanu leenahay Dastuur, Shacabkaygu iskood ayey u doortaan hadba cidda ay doonayaan, waxaanu leenahay Calan noo gaar ah, waxaanu leenahay lacag noo gaar ah, Hay’addihii kala duwanaa ee Dawladnimadu wey dhisan noo dhisan yihiin, mar walbana waxaanu rabnaa in aanu si fiican ula macaamilno oo aanu xidhiidh fiican la yeelano Wadamada kala duwan ee Caalamka iyo kuwa aanu jaarna nahayba, himiladayada, iyo hadafkayga ah in dalkayaga aqoonsi buuxa la siiyo ka daali mayno, ee waanu u dadaalaynaa Xukuumad ahaan iyo Shacab ahaanba, guud ahaan Shacabka reer Somaliland ee dal iyo dibadba joogana waxaan leeyahay mar walba qadiyadiina soo bandhiga, oo muujiya qaranimadiina”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com