Muuse Biixi oo farrin u direy shacabka SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa dhamaan bulshada reer Somaliland meel walba oo ay jooga iyo guud ahaan shucuubta Islaamka u direy dhambaal hambalyo ah Ciidal Fidriga awgeed.

“Ilaahay baa mahad leh nimcooyinka badan ee caafimaadku kow ka yahay, nabada, roobka iyo barwaaqada, fadliga ramadaan, ilaahaybaa ku mahad leh, waxaan dhammaan hambalyo iyo salaan u dirayaa ummadda islaamka ah meel ay joogtaba, gaar ahaan ummadda Somaliland, gude iyo dibed waxaan u dirayaa salaan iyo hambalyo,” ayuu yiri.

“Waxaa ilaahay uga rajaynayaa sannadkaa sannadkiisa inay barwaaqo iyo bash-bash iyo caafimaad ku ciidaan oo ilaahay caafimaad inagu wada gaadhsiiyo iyo horumar, ramadaantu waxay ku soo hagaagtay sannadkan roob, qabaw iyo barwaaqo dalkuna nabad yahay.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xuska 18-May oo maalmo kooban inaga xigaan, maalintaas oo ay Somaliland u dabaal-degto madax-banaanida ay ku doodo, iyo doorashooyinka la filayo inay ka qabsooman deegaanada Somalilan.

“Ramadaanta waxa inoogu xiga oo iyana soo socota 18 May oo maalintii qarannimada Somaliland oo shan cisho ka danbayn doonta haddii Alle yidhaahdo, waxa ku xigidoona 18-ka, haddana doorashadii oo ilaa hadda ku qotonta inay qabsoonto 31-May bishan aynu ku jirno, arrimahaasa isu keen dabayaala.”

“Waxa kusii xiga 26-June, waxa weeyaan arrimo wada muhiim ah, dabaal-deg, xus, cibaado iyo farxad ah oo ciid ah, waa ilaahay mahadii intaa isku xigtaa, si ilaahay ciidahaa iyo doorashooyinkaa isdaba-jooga ahi inoogu qabsoomaan nabad, qof walba oo muwaadina oo Somaliland ah, waxa ku waajib ah in uu ilaaliyo dalkiisa, nabadiisa, dadkiisa inay si nabad ah oo barwaaqo ah oo caafimaada caruurtiisa iyo ciroolihiisu ku ciidaan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale farta ku fiiqay cadow uu sheegay inay leedahay Somaliland, islamarkaana loo baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto, “Somaliland cadaw badan ayey leedahay oo aan jeclayn horumarkeeda iyo nabadeeda iyo wada jirkeeda, waxaan ku dardaarayaa dhammaan muwaadiniintu inay meel uga soo wada jeedaan wixii inaga khal-khalinaaya horumarkeena, nabadeena, walaaltinimadeena, maalmahaa ciida, tan fidriga, tan 18-ka, ta doorashada, ta 26-June, waxay isku wada xigaan”.

Ugu danbayntiina madaxweynuhu waxa uu ka hadlay xanuunka Covid-19 oo faro ba’an ku haya Somaliland, wuxuuna sheegay in sannadkan sidii kal hore uu ka cuslaa, isagoona ilaahay uga baryay dadkii u geeriyooday inuu naxariistii janno ka waraabiyo, inta la jiiftana uu ka kiciyo.