Biixi oo ku adkeysanaya arrin ay Itoobiya ka gaabsatay oo la xiriirta heshiiska

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay Telefishanka ku hadla Afka xukuumadda Somaliland ayaa ka hadlay heshiiskii 1-dii bishaan Addis Ababa uu kula saxiixday ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in heshiiskaasi uu Somaliland siinayo ictiraaf ay sanado badan raadineysay, islamarkaana aan si rasmi ah loo saxiixi doonin illaa Itoobiya ku dhawaaqdo inay Somaliland u aqoonsatay dal ka madax-banaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Mar baa lagu wada dhawaaqayaa (aqoonsiga iyo badda) heshiiska la wada saxeexayo ee rasmiga ah waxa ku qoran Somaliland waanu aqoonsan nahay isku goob ayaana lagu wada qorayaa,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa uu intaas kusii daray madaxweynaha “Markaa heshiiska dal walba waa in uu wixiisa helaa, innagoo laba dawladood ah ayaynu heshiiska saxeexaynaa.”

Madaxweyne Biixi ayaa weli ku adkeysanaya in heshiiska Itoobiya ee lagu siinayo qeybo kamid ah badda Soomaaliya ay uga bedelanayaan ictiraaf, halka Itoobiya ay ka gaabsatay inay aqoonsaneyso Somaliland.

Xukuumadda Abiy ayaa keliya xustay in ay ka fikirayso arrintaasi kadib marka ay degto halka loo calaamadeeyay oo ay sheegtay inay tahay dhul badeed dhaca deegaanka Lughaya ee gobolka Awdal, halka Biixi uu sheegay in aqoonsiga uu dhacayo kahor saxiixa rasmiga ah ee heshiiska.

Si kastaba, heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, oo ayadu gebi ahaanba burisay heshiiskaasi, ayada oo dagaal diblumaasiyadeed culus ku qaaday Itoobiya, kaasi oo sida muuqata ay uga adkaatay damaca guracan ee Abiy.