Muuse Biixi oo ku dhowaaqay go’aan cusub oo la xiriira DAGAALKA Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo mar kale ka hadlay dagaalkii magaalada Laascaanood ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka, ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay.

Dagaalka oo socday toddobaad, balse hakaday saddexdii maalmood ee tegay, ayaa waxaa ku dhintay illaa 60 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalladaas. Waxa uu intaas ku daray inaan laga fileyn in wixii Maxamed Siyaad Barre uu ku sameeyay magaalada Hargeysa inuu ku sameeyo magaalo kale.

“Anagu sidii Siyaad Barre magaalada ma aanan duqeynin, umana doonayno in aan u duqeyno, mana nihin ciidamo cadow ah, sidii Kacaanka oo dalkooda gumaadaya, dulqaad iyo tudhaale bay sameynayaan ciidamadu, mar kasta waa lasoo weerarayaa oo xabad ku socotaa, ciidamadu walina wey dulqaadanayaan, weyna u turayaan dadkoodii,” ayuu yiri.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sidoo kale sheegay inay Sabtida soo socota ay isimo u dirayaan magaalada Yagoori si wada hadal looga yeesho xaalada gobolka Sool.

“Isimo aan dirnay ayaa Sabtida tagaya magaalada Yagoori, inkastoo ay jiraan kooxo Isimo ah oo halkan jooga oo sharuudo wata, mase ka yeelayno sharuudahooda, Yagoori, halkaas ayuu shirku ka furmayaa, Isbitaalka Yagoori ayaa lagu shirayaa oo lagu wada hadlayaa amniga. Waxaa sugaya ciidamada Garaadada la socda, waxaan ku niri’i Isimada Laascaanood taga oo calamo-cad qaata, haddii aad dhimataan wiilasheenaba waa dhimanayeen,” ayuu yiri. 

Hadalka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku soo aadaya xilli dagaalka Laascaanood uu galay asbuucii labaad inkastoo uu hadda ka qaboobay sidii hore.

Somaliland ayaa horey loogu eedeeyey inay shacabka layneyso ayada oo magaalada duqeyneysa, eedeyntaas oo Hargeysa ay beenisay, sheegtayna in mar kasta ciidankeeda lasoo weerarayo.