Xog: Halkuu marayo loolanka kursigii Fahad Yaasiin loo diiday iyo R/W Xamza oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kuraasta dhiman ee sugeysa in la buuxiyo waxaa kamid ah kursiga HOP#086. Kursigan waxaa loo diiday inuu ku fariisto Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waa kursiga qura ee seegay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka.

Guddiga doorashada ee ku-meel gaarka ah ayaa la filayaa inay kursigan doorashadiisa qabtaan, deegaan doorashadiisu waa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Waxaa si weyn ugu loolamaya tartanka kursigan Agaasime ku-xigeenkii hore ee Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah nin dhalinyaro ah oo xubin muhiim ah u ahaa nidaamkii hore ee madaxweyne Farmaajo iyo Dr Maxamed Xaaji oo kamid ah bahda waxbarashada dalka.

Kursigan waxaa tallo badan ku leh wasiirka waxbarashada ee dowladda Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo isagu hore ugu fadhiyay.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa waxay sheegaysa in Faarax Sheekh Cabdulqaadir uusan dhib ku qabin Dr Maxamed Xaaji iyo Cabdinuur Maxamed Axmed midkii kursiga qaata.

Laakiin madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu rabaa in kursiga qaato Dr Maxamed Xaaji, sida aan xogta ku helnay.

In la ogaado dhinaca uu jiro miisaanka Faarax Sheekh Cabdulqaadir waa u muhiim natiijada kursigaan, laakiin dadka ka faalloonaya kursiga HOP#086 waxa ay leeyihiin haddii kursiga si furan loogu tartamo waa fiican tahay rejada Cabdinuur Maxamed Axmed, kaasi oo heli kara garabka maaliyadeed ee Fahad iyo Farmaajo.

Laakiin waxaan la hubin in kursigaan si furan loogu tartami doono, maadama la sheegayo inuu madaxweyne Xasan Sheekh aragti gaar ah ka leeyahay kursigan.

Dhinaca kale, Waxaa lagu kala baxay kursigii uu hore ugu fadhiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu ahaa xubin baarlamaan intii uusan madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabin kursiga ra’iisul wasaaraha dalka.

Wuxuu ku fadhiyay kursiga HOP#203 oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Kismaayo. Dhawaan waxaa la xaqiijiyay in ra’iisul wasaaraha uu go’aansaday inuu kursiga dib ugu celiyo beesha, si ay beeshu u doorato qof kale oo kursigaas ku metela inta ka dhiman muddo xileedka baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Arbacadii magaalada Kismaayo waxaa ka dhacday doorashada HOP#203 waxaana kusoo baxay Xasan Hure Ugaas kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo xogagaal u ah kursigan, ra’iisul wasaare Xamza iyo hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe labaduba raali ayay ka ahaayeen ninka la siiyay kursigan.

Xamza ka hor kursigan waxaa ku fadhisay gabadh la yiraahdo Sahro. Waa kursigii ee la buuxiyo ee kamid ah kuraasta banaanatay ee Golaha Shacabka.

Dhawaan ayaa sidoo kale waxaa la doortay kursigii uu ku fadhiyay Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad.

Ra’iisul Wasaaare Xamza iyo Taliye Mahad oo kamid ahaa xubnihii xisbiga Xasan Sheekh ee dhibka badan u maray kuraasta xildhibaanimada ee doorashadii dhawaan dhacday waxay hadda kamid yihiin xubnaha talada ku leh geedi socodka, waxaana hortaalla xujo ah inay door ka qaatan inuu dalku gaaro doorasho dhaanta tii u dambeysay.