Xaalad adag oo ka taagan magaalada Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa si weyn looga deyrinaya xaaladda ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasi oo ay go’doon ku jiraan dadkii ku haray magaaladaasi, oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dadka ku haray magaalada Laascaanood oo qaarkood la hadlay VOA ayaa sheegay in cuno yaraan iyo biyo la’aan xoogan ay soo wajahday, islamarkaana aysan heli karin waqti xaadirkan meelo ay wax ka iibsadaan.

Inkasta oo dagaalka Laascanood uu qaboobay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, haddana waxaa laga baqayaa xaalad bani’aadannimo, ayada oo wakiilada beesha caalamka ay ku baaqeen in si deg deg ah wax looga qabto baahiyaha dadka ay saameeyeen rabshadaha socda.

“Caruur ayaa haysta oo dadkii go’doonka ku qabsaday magaalada ayaa nahay, malaha biyo, caafimaad, nabad-gelyo oo haddii dibada u baxdo waxaa ka baqeysa in ay wiifto kugu dhacdo, haddii guriga aad joogtana inuu madfac kugu dhaco. Cunto ma taallo oo adeeg iyo bakhaar furan majiro,” ayey tiri Sahra Cabdillaahi Jaamac oo kamid ah qoysaska ku haray magaalada Laascaanood oo la hadlay VOA.

“Meel loo baxo malaha. Meel aad biyo ka dhaansato malaha, marka walaahi dadka meesha jooga aad iyo aad ayaa loo tacabsan yahay oo xabad ayaa soconeysa, cunto xumana waa jirta.”

Farxiya Cali Jaamac oo iyaduna kamid ah dadka qoysaska ah ee dagaalka uu ku qabsaday magaalada Laascaanood ee ku go’doonsan halkaasi, ayaa waxay tiri “Anagu waxaan ahayn dadka markii horeba magaalada nolol maalmeedka ka raadsan jiray. Meel aad u baxdo majirto 11 cisho oo guri hoostii ayaa ku jirna.”

“Magaalada saddexda iridood-ba waa nagala fadhiya, biyo nooma soo galaan. Dad badan oo jaar aheyn waa carareen, qaar baa lugeeyay oo qaar kale ayaa gaadhi helay. Aniga waxay iga noqotay caruurtayda yaryar inta uusan madfaca iga kala qaadin guriga iskaga jira. Markii horeba tabar maanu hayn oo nolol maalmeedkayaga waa iska raadsan jiray aheyd,” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Dagaalka Laascaanood oo socday toddobaad, balse hakaday saddexdii maalmood ee tegay, ayaa waxaa ku dhintay illaa 60 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka.