Muuse Biixi oo magacaabay xilal cusub & Beelo aan weli ku qancin maamulka cusub

Hargeysa (Caasimada Online)-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa lagu magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland.

Wareegtada ayaa waxa ay u qornayd sidan:

Xafiiska Madaxweynaha
Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017 Taar:17 December, 2017.

Wareegto Madaxweyne Magacaabid.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: Wada-tashi; Waxaan Go’aansaday;

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

Geesta kale, Beelaha qar ee daga Boorama ayaa aad u dhaliilsan magacaabida uu sameeyay Muuse Biixi, taa oo la sheegay inay u janjeerto hal dhinac.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com