Fiqi: “Xeer ilaaliyaha Qaranka isaagaba u baahan inuu Baarlamaanka codka kalsoonida ka raadsado”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ku tilmaamay inuu yahay mid aan sharci aheyn isla markaasna aan la hor geyn Baarlamaanka Soomaaliya.

Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa arrintaan kaga hadlay iyo go’aankii maanta kasoo baxay Xeer ilaaliyaha ee lagu dalbaday in xasaanadda laga qaado laba Xildhibaan.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook oo dhamestiran:

Warka ka soo baxey xeer ilaaliyaha aan sharciga ku magacowneyn Axmed Cali Daahir maanta, wuxuu la mid yahay kii madaxda dalka iyo wadaado dawladda ka agdhow maalmihii la soo dhaafay oo idil ay uga hadlayeen siyaasiyiinta ka aragtida duwan madaxda dalka.

Shalay waxey aheyd Farwo wadaad, maantana Fariin gef ah oo garsoorkii dalka loo adeegsanayo.

Arrintani guud ahaan waxey muujinaysaa caqliyada hooseysa ee madaxda dalku ay rabaan in ay ku caburiyaan xildhibaanda & siyaasiyiinta aragtida xorta ah xambaarsan ee u istaagay badbaadinta dalka.

Axmed Cali Daahir oo ku magacaaban xeer ilaaliyaha qaranka,si uu sharci u noqdo waxey ahayd in golaha shacabku ansixiyo, lamana horkeenin illaa iyo hadda, warka uu soo saaray maantana wuxuu ku magac dilayaa madaxbanaaninada garsoorka, waana gef xildhibaannada qaranka loogu gefayo.

Madaxda dalku waxey garsoorka dalka u heystaan maxkamaddii badbaadada, weli kama dhaadhicin in dalka dawlad yahay federaal, ayna dawlad madaniya oo dimuqraadi ah ay ka taliso.

Waxaan dhaleeceyneynaa falka eexda iyo gefku uu ka muuqdo ee xeer ilaaliyuhu uu ku kacay maanta, waxaana ka danbeyn doona jawaab sharciga ku qotanta.

Soomaaliya ha noolaato..

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com