Sheekada Saabir iyo Xasan Sow uma eka “Aabbow Kan yar iga dhici kan weynaa iska dhicinayaa”

Soomaalidu waxay Tiraahdaa “Hasha Maankey Gadayee Ma Masaar bey liqdey “ Waxaa Murtidaaa loo soo qaataa marka aad wax kaa yaabiya aad aragto marka waxaan arrintaan u soo qaatey markii aan Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu soo jeediyey in Xasaanada laga qaado Laba Xildhibaan oo kala ah  Xildhibaan Xasan Macalin iyo Xildhibaan saabir Nuur Shuuriye si baaritaan loogu sameeyo

Dhacdada ka soo yeertey Xeer Ilaaliyaha waxaan dhihi kartaa waa  Dhacdo ugub ku ah Ummada Soomaaliyeed waayo waa markii ugu horeysey oo ay shacabka maqlaan in Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo la leeyahay Xasaanada ha laga qaado sidoo kale waa Dhacdo iyana ugub ku ah Bahda Warbaahin waayo War noocaan oo kale ah intii aan bahdda Warbaahinta ka tirsanaa  weli ma maqal

Markii aaan Furtey Idaacada ayaa  warka Hordhaciisa ka maqaley War sheegaya in Xildhibaano  ka tirsan Baarlamaanka oo Baaritaan lagu sameynayao waxaan is Iri armaa la soo wadaa kuwii maalmahaan Warbaahinta ku badnaa  hase yeeshee warkii aan filayey mid ka duwan ayaa soo yeero ah kaasoo ah in Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud  iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye Xasaanada laga qaado

Markiiba waxaa Qalbigeyga ku soo dhacay   Sheekadii aan yaraanteyda Maqnli jirey oo ahayd “ Aabow Kan yar iga Dhici kan weynaa iska Dhicinayaa”  Waxaan   ii Muuqda Siyaasadii Soomaaliya oo Caloosha laga rarayo waayo raga uu Xeer Ilaaliyaha uu tilmaamey waa raga aan in badan aan laga maqal Dhamaan Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta  Xitaa Social Media  ay leeyihiin maalin waxba ugama sheegin Dowlada Federaalka, Xaqiiqdii maanta wan u Garaabi lahaa Dowlada hadii Ragaan ogahay ay Xasaanada ka qaadi lahayd po Dacwad ku soo oogi lahayd Bulshadana waxay u qaadan lahayd Dowlada Mucaaradkeeda iska dhiicineyso taasi ma dhiicin

Labo Dhacdo o Dalka ka dhacdey ayaa waxaan damcaey in aan ka wareysto Xildhibaan Saabir mid waxay ahayd Dhacadii Bariire waxaana ku iri “ Xildhibaan waxaan doonayaa in naan kaa wareysto  Dhacdadii Bariire waxaana uu yiri “Saaxiib ma doonayo in aan arrintaas ka hadlo “ Dhacdii kale ee aan doonayey in naan ka Wareysto Xildhibaanka Waxay ahayd Arrintii Qalbi dhagax waxaana uu yiri “ No Comments “ ma doonayo inn aan arrintaas ka hadlo markaa Saaxiib arrimo kale iga wareyso

Sidoo kale waxaan Xildhibaan Saabir goor sii horeysey iigu yeerey shaqo Warbaahineed oo ku saabsan Shirkadda Favori waxaan damcay in Sawiro ka qaado waxaana uu I yiri “ Walaal ma doonayo in  Barnaamijkaan aan ka muuqdo marka Shaqaalaha kale ee Shirkada ayaa ku siinaya wixii Warar ah oo ku saabsan qaabka shaqo ee Shirkada ee Garoonka Diyaaradaha oo Xilgaas ay shirkada ka bilaabeysey Dhisme waxaas oo dhan waxay kuu tilmaamayaa sida uusan  saabir u dooneyn in uu wax Dumiyo

Xasan Macalin inkastoo aan Xiriirin hadana waa uu la mid yahay  Xildhibaan Saabir oo Labadooda Galaagal kuma aha arrimaha Warbaahinta waliba Social Media Mucaaradadooda  aad bay u yar tahay  waxayna isaga mid yihiin in Warkoodu ku bato Warbaahinta marka waa laba  Shaqsi oo aad isku ilaaliya islamarkana Qunuyar  Socod, waxyaabaha aan aad u la yaabey waxay  ahayd markii lagu eedeeyey Labadooda   Lacago ka soo qaateen Dowlado Shisheeye balse  waxaan la is weydiin Xasan iyo Saabir maanta ma yihiin kuwa u baahan Dhaqaale sidaa Darteed  warka Xeer ilaaliyaha waa la dhihi karaa waa mid aan laga fiirsan oo u baahnaa in meelo badan laga eego Waliba waxaa jira Fududeyd dhinaca la talinta sidaa Darteed maalmaha soo socda ayaa la kala ogaan doonaa wixii jira iyo halka uu ku dambeeyo Warka Xeer ilaaliyaha

Gabagabadii Dowladda Farmaajo waxay ku timid Rabitaanka Shacabka waxay ahayd in ay wax badan Xeeriso waayo dalkaan waxaa ka dhacay dagaal Sokeeye waxaa idiin ka  hor imaanayaa Caqabado badan,waxaana Caqabadahaas uga Gudbi kariaan  waa Samir iyo Dulqaad waxaa Xaqiiqo ah  in aad ku jirtaan Guri Muraayad marka yaan la bilaabey in aad Dhagaxaan Tuurtaan,sidaa darteed dal baan Hogaaminayaa hadana Dulqaad  ma lahi isma qabaneyso

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uK

Tel: 00252615532494

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid