Akhriso muxuu dastuurka ka qabaa in Xildhibaan xasaanad laga qaado dambina lagu soo oogo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dacwad ku soo oogay labo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen fal dambiyeed.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa faray Hey’addaha sharci fuliyeyaasha, sida Booliska iyo hoggaanka Baarista dambiyaya in wixii maanta ka dambeeya ay waajibaadkooda gutaan.

Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu sheegay Gudoonka Baarlamaanka Somaliya inay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayaan in xasaanada laga qaado labadan Xildhibaan si baaris dhab ah loogu sameeyo.

Labada Xildhibaan ee xeer ilaaliyaha uu eedeeyay, ayaa kala ah Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo labada laga soo doortay deeganada Maamulka Galmudug.

Lama oga eedeyntaan culus ee Xildhibaanada loo jeediyay iyo kiiskaan lagu soo oogay ee ku aadan Qaran dumiska, waxa ka dhabta ah, maadaama Xildhibaanadan aysan weli ka jawaabin eedeyntaan culus ee loo soo jeediyay.

Haddaba muxuu Dastuurka ka qabaa Arrintaas

Qodobka 70aad ee dastuurka, waxaa uu ka hadlayaa xasaanadda Xildhibaannada golaha shacabka, kaas oo u qoran sidan:

(1) Xildhibaanka Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisa.

(2) Haddii aan laga haysan oggolaansho Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, Xildhibaanka laguma qaadi karo dacwad ciqaabeed; lama xiri karo lamana baari karo qof ahaan, hoygiisa ama meeshii kale ee u gaar ah, haddaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ay tahay in laga soo saaro amar qabasho ah. Sidoo kale haddii aan laga helin oggolaansho Golaha Xildhibaanka lama qaban karo, xabsina laguma hayn karo iyadoo la fulinaayo xukun maxkamadeed oo xataa kama dambays ah.

(3) Dacwad aan ahayn mid ciqaabeed Xildhibaanka waa lagu furi karaa, iyadoo aan oggolaansho la weydiisan Golaha Shacabka.

(4) Sharci gaar ah ayaa qeexaya xasaanadda Xilidhibaanada Golaha Shacabka.

(5) Gunnooyinka iyo daryeelka kale ee ay xaqa u leeyihiin Xildhibannada Golaha Shacabka waxaa laga bixinaya Khasnadda Dhexe ee Xukuumadda Federaalka.

Xildhibaanka haddii xasaanadda laga qaado, micnaheeda ma aha in uu xubinnimada lumiyay!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com