Arrinta lagu heysto labada Xildhibaan ee lagu eedeeyey qaran dumiska oo la ogaaday iyo xildhibaano diyaar u ah inay ….

Muqdisho  (Caasimadda Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dacwad ku soo oogay labo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen fal dambiyeed.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa faray Hey’addaha sharci fuliyeyaasha, sida Booliska iyo hoggaanka Baarista dambiyaya in wixii maanta ka dambeeya ay waajibaadkooda gutaan.

Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu sheegay Gudoonka Baarlamaanka Somaliya inay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayaan in xasaanada laga qaado labadan Xildhibaan si baaris dhab ah loogu sameeyo.

Labada Xildhibaan ee xeer ilaaliyaha uu eedeeyay, ayaa kala ah Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo labada laga soo doortay deeganada Maamulka Galmudug.

Lama oga eedeyntaan culus ee Xildhibaanada loo jeediyay iyo kiiskaan lagu soo oogay ee ku aadan Qaran dumiska, waxa ka dhabta ah, maadaama Xildhibaanadan aysan weli ka jawaabin eedeyntaan culus ee loo soo jeediyay.

Maxaa lagu heystaa?

Illo wareedyo ka tirsan Xafiiska Xeer Ilaaliya Qaranka ayaa Shabakadda Caasimadda Online u sheegay in labadaan xildhibaan lagu hayo falal aad u weyn.

Illo wareedyadaas ayaa Xaqiijiyey in labadaan XIldhibaaan lagu hayo inay Xildhibaano lacag kaga saxiixeen Mooshin ka dhan ah madaxweynaha isla markaasna ay dowlado shisheeye u adeegayaan.

Waxaa la sheegay in la hayo caddeymo arrintaas ku aadan isla markaasna ay maxkamadda horteeda soo istaagi doonaan xildhibaano ku marqaati furayo marka labadaan Xildhibaan laga qaado Xasaanada.

Labadaan Xildhibaan ayaa la sheegay inay lacago kasoo qaateen dowlado ay kamid tahay Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale lagu soo eedeeyey inay dalka ka abuurayaan foodo iyo Xasilooni darro siyaasadeed, waxaana kaloo lagu hayaa qiyaano qaran iyo inay u adeegayaan dano shisheeye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com