Xildhibaan Saabir “Hadalka Xeer Ilaaliyaha waa daan daansi ay wadaan Xafiiska Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, kaasoo ahaa eedeyn isaga iyo Xildhibaan Xasan Macalin ay ku lug leeyihiin Fal dambiyeed Qaran dumis ah.

Xildhibaan Saabir oo qadka taleefanka kula hadlay Saxaafadda, isagoo ku sugan magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa ku tilmaamay eedeyntaas mid aan raad iyo wax loo cuskado aanay laheyn.

“Eedeyntaas waa wax aan sal iyo raad midna laheyn, waxa uu leeyahay waa baarnay in aysan jirin, waayo aniga dalka waa ka maqanahay, nin dalka ka maqan in la dhaho waa baaray wax is leh maba lahan, halkaas ayaa caddeyn kugu filan, isagaa u baahan in xilka laga qaado, waayo isagoo magacii garsoorka wata in loo adeegsado sharci bur burin waa wax qaldan, cida u baahan in tallaabada laga qaado waa isaga”ayuu yiri Xildhibaan Saabir.

Xildhibaan Saabir ayaa arrintan ku tilmaamay daan daansi ay wadaan Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wsaaaraha oo uu ku eedeeyay in maalmahan ay wadeen isku dayo lagu caburinayo Xildhibaanada, looguna gafayo magacooda.

“Waxaa u arkaa arrintan in bilowgeeda ay tahay daan daansi Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay wadaan, waayahan waa la socoteen marna Ruwaayadaha beenta ah ee la waday, marna Culimada, marna Baraha Bulshada lacag fara badan lagu bixinayay oo aheyd hantidii qaranka in Xildhibaanada lagu caayo, tanna waa wax aan sugeyn, wax bilow ah ma ahan”

Waxaa uu sheegay in Xeer Ilaaliyaha hadii uu wax ka hadlayo ay aheyd inuu ka hadlo arrinta Qalbi Dhagax oo uu xusay in aheyd qodob dastuur ah oo la jebiyay.

“Xeer Ilaaliyaha Hadii uu wax ka hadlayo waxay aheyd arrinta Qalbi Dhagax inuu ka hadlo, oo runtii si sharci darro ah dal kale loogu dhiibay, taas ayaa aheyd qodob dastuuri ah oo la jebiyay, Baarlamaankana uu sharci darro ku tilmaamay, marka  taasaa sax aheyd inuu ka hadlo,”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Saabir.

Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada Golaha shacabka in aysan aheyn arrintan wax shaqsi ku saabsan, balse ay tahay waxa lagu xadgubayo sharafka Xildhibaanada, isagoo ku baaqay inay u kacaan la xisaabtanka Xukuumadda iyo Madaxweynaha.

“Xildhibaanada baaq dheer ayaa u dirayaa, oo ah in aysan aheyn wax shaqsi ama qof ku saabsan ee waxa lagu xadgubayo ay tahay sharafkooda iyo karaamadooda, inay hurdada ka kacaan oo la ixsaabtanka inta garatay Xukuumadda iyo Madaxweynaha ay la xisaabtamaan”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Saabir.

Hadalka ka soo yeeray Xildhibaanka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo shir jaraa’id oo uu goor dhoweyd ku qabtay magaalada Muqdisho Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu ku soo oogay fal dambiyeed ku aadan in isaga iyo Xildhibaan Xasan Macalin ay ku lug leeyihiin dowlad dumis, isla markaana dal shisheeye ay lacag ka soo qaateen.

Isha: Jowhar

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com