Akhriso Beelaha ay kasoo kala jeedaan labada Xildhibaan ee lagu eedeeyey Qaran dumis

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaliya Dr Axmed Cali Daahir oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya in lagu sameynaayo Baaris.

Xildhibaanadan ayaa wuxuu sheegay in lagu soo eedeeyay, eeda ah Qaran dumis iyo in dowladdo shisheeye ay ka soo qaateen lacag ay ku doonayaan inay ku dumiyaan dowladda Somaliya.

Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu sheegay Gudoonka Baarlamaanka Somaliya inay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayaan in xasaanada laga qaado labadan Xildhibaan si baaris dhab ah loogu sameeyo.

Labada Xildhibaan ee xeer ilaaliyaha uu eedeeyay, ayaa kala ah Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo labada laga soo doortay deeganada Maamulka Galmudug.

Lama oga eedeyntaan culus ee Xildhibaanada loo jeediyay iyo kiiskaan lagu soo oogay ee ku aadan Qaran dumiska, waxa ka dhabta ah, maadaama Xildhibaanadan aysan weli ka jawaabin eedeyntaan culus ee loo soo jeediyay.

Labada Xildhibaan ee lasoo eedeeyey ayaa kasoo kala jeedo beelaha:

1) Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo kasoo jeedo Beesha Murusade

2) iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo kasoo jeedo Beesha Saleebaan

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com