Muuse BIIXI oo maleegaya shirqool siyaasadeed xasaasi ah ka hor doorashooyinka

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad sanadeedka dastuuriga ka horjeediyay golaha baarlamaanka ayaa dib usoo celiyay xiisadda buurta Gacan Libaax, taasi oo horey uga heshiiyeen xukuumadda iyo odayaasha dhaqanka.

Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay in wixii dhacay 11-kii bishii August 2023-kii aysan iloobin xukuumadda, islamarkaana ay cadaaladda horkeeni doonaan maleeshiyaddii ka dambeysay.

“Iyada oo Qaranku uu u midaysan yahay difaaca dalka ayaa waxa dhacday 11-kii Bishii August 2023-kii Shir-qoolkii Buurta Gacan-libaax ee lagu laayey Ciidankii Booliska, dhagartaas laga galay qaranku waxay ahayd mid ugub ku ah Somaliland. Qaranku dhagartaa kuwii gaystay Caddaalada ayuu horkeeni doona,” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Waxa uu intaas kusii daray “Arrintaasi waxay keentay in qayb ka mid ah odayaasha dhaqanka Somaliland ay soo jeediyaan in la qabto doorashooyin isku sidkan. Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay markay qiimaysay xaaladda gudaheenna waxay qaadatay inaga oo difaacii ku jirna in la qabto doorashooyinkaas la soo jeediyey. Waa laba arrimood oo culayskooda dhaqaale iyo bulsho leh.”

Dib usoo celinta xiisadda xilli ay xukuumadda Somaliland ay kal horey cafisay ciidankii hubeysnaa ee galay buurta Gacan Libaax ayaa waxaa lagu tilmaamay shirqool uu maleegayo madaxweyne Biixi, si markale carqalad u dhacdo kahor doorashada loo balansan yahay bisha November ee sanadkaan.

Warqad kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland 5-tii bishii September ee sanadkii hore ee 2023-kii ayaa lagu cafiyey jabhadddii buurta Gacan Libaax, hase yeeshe waxaa maanta heshiiskii hore iyo warqadaasi buriyay madaxweyne Biixi oo ku dhawaaqay in maxkamad la soo taagayo dhammaanba jabhaddii Gacan Libaax.

Si rasmi ah looma oga waxa keenay isbeddelka go’aankii hore ay xukuumaddu cafiska ugu fidisay dhammaan xubnihii jabhadda, haddana waxaa soo baxeyso in shirqool siyaasadeed foolxun uu ka leeyahay Muuse Biixi oo wajahaya loolan adag xilli billooyin ka harsan tahay doorashooyinka.