Sababta ka dambeysa in ay shirkadda Fly Dubai joojiso duulimaadyadi Muqdisho – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Fly Dubai oo kamid aheyd diyaaradaha caalamiga ah ee tega magaalada Muqdisho ayaa ku dhowaaqday inay joojineyso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya wixii ka dambeeya 11-ka bisha June.

Macaamiisha diyaaradda, gaar ahaan kuwa ganacsiga ayaa lala wadaagay email rasmi ah oo lagu xaqiijinayo arrintaan, sidoo kale hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya xubno ka tirsan ayaa sheegay inay diyaaradda system-keeda ka saartay duulimaadyaddii Muqdisho wixii ka dambeeyay 11-ka bishan.

Laba arrimood ayaa loo sababeeyay arrintaan, balse mid kamid ah labadaasi qodob waxaa ku hareeraysan waxyaabo daciifinaya. Labada qodob mid waa suuqa midna waa siyaasadda.

Kooxaha diyaaraddaha qaar waxay sheegayaan in diyaaraddan suuq xumo kala kulantay magaalada Muqdisho, sidaas awgeedna u joojisay duulimaadka, laakiin markii dhinaca suuqa la eego lalana barbar dhigo diyaaradda Qatar Airways oo iyaduna Muqdisho tegta waxaa labada diyaarad suuq fiican haysata Fly Dubai.

Sidoo kale go’aankan ay diyaaradda ku joojineyso duulimaadka Muqdisho in uusan suuq xumo la xiriirin waxaa sii xoojinaya in aanay diyaaraddan joojin duulimaadyaddii ay ku tegi jirtay magaalada Hargeysa.

Labada magaalo ee Muqdisho iyo Hargeysa waxay macaamiil badan ka heli jirtay diyaaraddan magaalada Muqdisho. Sidaas awgeed waxaa la leeyahay arrintan lama xiriirto macaamil xumo.

Doodda labaad ee la xiriirta go’aanka ay diyaaraddan ku joojineyso safaradeeddii Muqdisho iyo Dubai waa arrimo siyaasadeed.

Sida caadiga ah diyaaraddaha Qatar, Fly Dubai iyo Turkish Airlines keliya arrimo ganacsi uma tagaan Soomaaliya ee waxaa ku lifaaqan siyaasadda oo dowladduhu waxay rabaan inay nuuc walba u muujiyaan saameyntooda Soomaaliya ama usoo jiitaan dowladda ama dadka Soomaaliyeed.

Dhowrkii billood ee lasoo dhaafay Imaaraadka waxay hoos u dhigeen cilaaqaadkii joogtada ahaa ee dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Saraakiil muhiim ah ayaa Imaaraadka looga dilay magaalada Muqdisho, iyagana waxay jarteen kabkii maaliyaddeed ee ciidanka dowladda, waxaana muuqata in aanay labada dhinac hadda isla haysan.

Dadka qaar arrinta diyaaradda waxay ku xirayaan heer kulka siyaasaddeed ee labada waddan. Dhawaan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe u dirtay waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta si uu xaaladda sidii hore ugu soo celiyo, laakiin wararka qaar waxay sheegayaan in aanay wax badan oo isku soo dhawaansho ah jirin.