MUUSE BIIXI oo shuruudo yaab leh ku xiray inuu xajka ka qeyb galo sanadkan

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa dhowr shuruudood ku xiray dowlada Sacuudiga si uu sanadkan u soo guto waajibaadka Xajka.

Madaxweyne Biixi ayaa dhowaan waxa uu boqorka Sucuudigu ku soo daray martida gaarka ah ee uu boqorku sannad kasta ku martiqaado gudashada waajibaadka Xajka, sida ay sheegayan wararka aanu helnay.

Biixi ayaa dowladda Sacuudiga u diray waraaq uu ku lifaaqay shuruudaha uu ku xirayo dowladaasi si uu xajka u soo guto sanadkan, isla markaana ugu mahad-celinayo martiqaadka boqorka.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu shuruud uga dhigay in dal ku galka Sucuudiga loo soo saaro Baasaaboorka diblomaasiga Somaliland, lana siiyo hab maamuus Madaxweyne, isla markaana loo abaabulo kulan uu la yeesho boqorka Sucuudiga iyo qodobo kale oo uu ku rabo in Somaliland u muuqato dal madax-banaan.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa kale oo uu waraaqdasi ku sheegay in Somaliland tahay dal gaar ah oo madax-banaan oo doorata madaxdeeda, isagana ay waajib ku tahay inuu ilaaliyo sharafta iyo karaamada qaranka Somaliland.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ila hadda wax jawaab ah ka bixin dalabaadka iyo Shuruudaha Madaxweyne Biixi ku xiray inuu Xajka ku tago martiqaadka uu boqorku u soo diray, balse talabaadan Biixi ayaa u muuqata mid uu ku doonayo inuu sii xoojiyo dhaq-dhaqaaqyada ay Somaliland ku doonayso in dal madax-banaan loo aqoonsado.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com