Muuse Biixi oo si qayaxan uga hor-yimid imaanshaha FARMAAJO ee Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta hortagay labada gole ee baarlamaanka Somaliland, wuxuuna markii u horeysay ka hadlay safarka la sheegay in uu Farmaajo ku imanayo Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uusan marnaba ogolaaneyn in uu Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Muuse Biixi ayaa si adag uga horyimid safarkaasi la sheegay ee Farmaajo, isagoona ku sheegay wax aan la aqbali karin in uu Farmaajo yimaada Somaliland, isagoo sheeganaya Madaxweyne.

Biixi ayaa sidoo kale xusay in hadalada Safarkaasi ay yihiin arrimaha dhaawac u sii geysanaya wada-hadalada muddada badan hakadka ku jiray, ee uu dhowaan gogol xaadhkeeda lahaa Raysul Wasaare Abiy Axmed.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu soo dhaweeyay Raali-gelin uu dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya uu ka bixiyey xasuuqii dowladda kacaanka ay ku qaaday Somaliland, isagoona arrintaasi ku sheegay mid kedis ku noqotay oo uusan fileyn.

“Bshaan 13 keedii ayaa waxaa dhacdey arrin aan fileyn oo aheyd kedis in Farmaajo uu ka bixiyey Raali-gelin duqeyntii Somaaliland loo geystay Xasan Sheekh marbuu si dulmaray wixii dhacay laakin farmaajo waa Madaxweynihii ugu horeeyey ee Raali-gelin bixiya waana ka aqbalnay” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.