Muuse Biixi oo si yaab leh uga hadlay xaaladda dagaal ee ka taagan Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horreysay ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan gudaha Somaliland, taasi oo inta badan salka ku haysa arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay in jabhadaha ka abuurmay gudaha iyo xasaradaha kale ee aloosan ay yihiin kuwa uu soo abaabulay cadowga Somaliland, kuwaasi oo isku bahaystay suurad-xumaynta maamulka, sida uu hadalka u dhigay

“Adduunyada Ilaahay waxa uu abuuray shar iyo khayr oo ay nolosha Bani’aadamku ku xidhan tahay, markasta oo wanaagga, horumarinta loo jeesta oo wanaag la doonayaba cid shaydaan u adeegaysa ama shaydaanba wato oo dhibaato ama wax ummadda dibudhac ku samaynaya la timaaddaa jira,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

“Aniguna waxan leeyahay cidda maanta dhibaatadaa Somaliland dhibaatadaa ku abuuraysaa waa cadowga Somaliland oo doonaya in aanay Somaliland horumar dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid dhaqanba aanay samaynin.”

Waxa uu sheegay in Shacabka Somaliland ay arrintaas feejignaan dheeraad ah kaga jiraan, kana hortagayaan waxkasta oo ka hor imanaya nabadda iyo dowladnimada Somaliland, xilli ay beelaha qaarkood ku dhawaaqeen jabhado ka dhan ah maamulka uu hoggaamiyo.

“Waxaan ku kalsoonahay in shacabka Somaliland meel uu joogaba ka midaysan yahay inuu u jeesto horumarka, kana hortago wax kasta oo ka hor imanaya nabadda, horumarka, dawladnimada iyo qarannimada Somaliland, waana ta aynu iskaga difaacayno,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaaladdo is biirsaday, sida dagaalka Laascaanood iyo sidoo kale muran ka dhashay doorashooyinka kusoo foodka leh maamulka, taasi oo horseeday in gudaheeda ka abuurmaan jabhaddo kasoo horjeeda maamulka.