Muuse Suudi oo sheegay sabab uu ku diiday sharciga NISA oo la xiriirta M. Salaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid sharciga hay’adda NISA ee maanta uu meel-mariyay Golaha Aqalka Sare.

Senator Muuse Suudi ayaa waxa uu sheegay in sharcigan uu awood xad dhaaf ah siinayo taliyaha hay’adda, oo xilligaan ah Mahad Maxamed Salaad, kaasi oo uu sheegay in xataa madaxweyne uusan wax ka bedeli karin go’aanada uu gaaro, sida uu hadalka u dhigay.

“Sharcigaan umadda ayuu ka dhaxeeya lama rabo in qof gaar ah gacanteeda ku jiro. Dadkaan in loo aaso wax aysan ogeyn looma baahna, aniga ma qabo in sidii xoolaha inta meel lagu aruursado ansixiya oo gacanta taagan aniga ma qabo,” ayuu yiri.

Senator Muuse Suudi ayaa kamid ahaa saddex Senator oo diidmo ugu codeeyay sharciga NISA, oo maanta uu meel-mariyay Golaha Aqalka Sare kadib markii 31 Senotar ay ogolaadeen.

“Awoodda halkan ugu taalla (Taliyaha NISA) qof ay anfaceyso ma-lahan. Shey walba kaligiis ayaa magacaaba, xilka asaga ka qaada oo saddex kaaliye uu leeyahay. Waxa ka hooseeya oo dhan asaga kaliya weeyi, iyaga waxay qaban karaan waa iska yar yihiin xataa cid ku xigta ma jiro.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in taliyaha NISA Mahad Salaad uu leeyahay awoodda u sareysa ee dowladda, “Awooda oo dhan isaga ayaa leh, madaxweynaha haddii Golaha Wasiirada soo qoraan saxiix ayuu ku leeyahay halkaas ayuu kaga hara, asaga hadduu qoray meel kale oo uu ka geli karo ugama jeedo qoraalka buugan, sidaas ayuu u yaalla buugan.”

Senator-kan ayaa Sabtidii guddoonka ka dalbaday in loo yeero agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad, si uu goobjoog uga noqdo sharciga hay’adiisa ee laga doodayo, islamarkaana wax laga weydiiyo qoddobada u baahan fasiraad dheeraad ah, taasi oo uu maanta sheegay in waxba laga soo qaadi waayay.

Sharciga NISA oo muddo doodiisa ay ka socotay Golaha Aqalka Sare ayay maanta ansixiyeen Senator-adu, kadib markii uu guddoonka cod u qaaday meel-marinta sharcigaan, waxayna sidaas NISA ku yeelatay 53 sano kadib sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso.