NISA oo war kasoo saartay howlgal lagu laayey Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in howl-gal ka dhacay gobolka Hiiraan lagu dilay in ka badan 22 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan ayaa waxa fuliyay ciidan ka tirsan kuwa hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Qoraal ay NISA soo dhigtay twitter ayaa lagu yiri “Howlgal Ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ay xalay iyo maanta ka sameeyeen deegaanka Shaw ee Gobalka Hiiraan ayaa lagu dilay 22 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.”

Howl-galkan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera howl-galada, wuxuuna ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.

Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa intaas kusii daray in weerarka lala beegsaday gaari nooca Homey ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadkaasi ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno ka soo firxaday howl-galkii shalay ka dhacay Tuulada Cadalay oo hoostagta degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Xalay unbay aheyd markii ay dowladda federaalka shaacisay in kooxda Al-Shabaab ay ka dishay 80 dagaalame, islamarkaana dhaawacyo badan looga qabtay kooxda, kadib dagaal ka dhacay gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ka dhacay degaanka Shabeelow ee koonfurta gobolka Mudug, waxaana ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka, halka ciidanka xoogga dalka ee Danab iyo daraawiishta Galmudug ay toos u dagaalamayeen.

Howl-galkaas ayaa qaatay in ka badan 10 saacadood, waxaana deegaanadii lagu dagaalamay oo Shabeelow uu ugu horeeyo hadda maamulaya ciidanka dowladda, sida lagu sheegay bayaan xalay kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, ayada oo laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.