Dhimashada iyo dhaawaca dagaalka Laascaanood ka socda oo kordhay (Warbixin)

Laascaanood (Caasimada Online) – Tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa korodhay, sida uu warbaahinta u sheegay Garaad Jaamac Garaad Cali.

Garaad Jaamac oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu sheegay in tirada dhimashada ay tahay in ku dhow 150 qof, halka dhaawaca uu kor u dhaafay 500.

“Magaaladan in ku dhow 500,000 kun oo qof ayaa ku nool maantana konton kun qof kuma noola, waxa qixiyay dhibaato kale ma ah ee waa duulaanka, xabada iyo madfaca uu maamulka Somaliland la dhacayay magaalada Laascaanood,” ayuu yiri.

Garaad Cali ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka Laascaanood uu sababay burburka xaafado ka tirsan magaalada, “Guryaha dumay ee madaafiicda ku dhacday, xaafado dhan ayaa la gali kareyn oo baaba’ay, intii aad aragteen waxa filaya in kontomeeyo tahay.”

Garaadka guud ee deegaannada SSC ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu socday illaa saaka, ayna xabada u badan ka dhaceyso dhanka bariga magaalada Laascaanood.

“Dadka madfaca kusoo dhacayo iyo dhalinyarada magaalada difaacaneysa ee rag iyo dumar leh. Xabaal-wadareedyadii markii la kala aasi kari waayay, cagaf ayaa lagu aasayay. Waxaasi wax indhaha laga qarin karo ama Muuse da’di karo ma ahan.”

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dambi dagaal oo cad uu ka dhacay magaalada Laascaanood, taasi oo uu masuuliyadeeda leeyahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, sida uu sheegay.

“Dad naftooda, guryahooda, maalkooda iyo sharaftooda ilaashanaya ayaa nahay, inta qof naga nool-yahayna xaaladaas ayaa ku sugnaaneyna illaa aan ku guuleysaneyno in aanu dadkayaga iyo dalkayaga u madax-banaano. Qiimo kasta oo ta nafta ugu qaalisan tahay oo tan maalka iyo hantidu ku xigto waan galineyna.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in waxa ka dhacay Laascaanood ay tahay wax aysan weligood iloowi doonin, ayna dacwadooda u gudbiyeen beesha caalamka iyo hay’addaha caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.