Muusikiiste caan ahaa oo geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Alle ha u naxariistee waxaa si lama filaan ah ku geeriyooday muusikiiste si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya isagoo diyaarad usoo saarnaa dalka dibadiisa.

Muusukiistaha oo lagu magacaabo Maxamed Welli Xasan Macow, ayaa ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka isku taga imaaraadka carabta kadib markii wadnaha uu istaagay.

Geerida Maxamed Welli waxaa xaqiijiyay Maxamed Xasan Barrow oo kamid ah masuuliyiinta fanaaniinta hobolada Waaberi oo ka dhisan dalka Soomaaliya.

Maxamed Welli ayaa kamid ahaa Muusikiistayaasha Soomaaliyeed oo sida weyn loo jecel yahay, waxaana uu geeriyooday isagoo safar diyaaradeed ku jiray.

Xaaladiisa caafimaad ayaa ah mid wanaagsaneyd, waxaana la filayaa in lagu aaso magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com