CAPE TOWN (Caasimada Online) Magaalada Capetown ee dalka Koonfur Afrika waxaa maanta ku geeriyooday allaha ha u naxariisto Ibraahin Macalin Abuuka.
Muwaadinkan ayaa la sheegay in ay dileen dableey hubeysan kuwaasoo ku dhaawacay dukaan uu ku lahaa magaalada Capetown sida uu Caasimada Online u sheegay Wariye ku sugan Koonfur Afrika.
Isagoo dhaawac garaab ah ayaa la geeyay Isbitaalka halkaas ayuuna ku dhintay sida ay lee yihiin wariyaasha.
“Marxuumka wuxuu u dhintay dhaawaca ka soo gaaray kooxda soo weerartay Isbitaalka ayuu ku dhintay,wuxuu ahaa qof aad u dhowrsan oo Soomaalida jecel” ayuu yiri Wariyaha aan wareysanay.
Ma ahan qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo lagu dilo magaalada Capetown oo ka mid ah magaalooyinka ay ku sugan yihiin Soomaalida dalkaas ku nool.
Waxaa waxaa dalka Koonfur Afrika ka socda dilalka lagu hayo dadka Soomaalida mana jirto cid wax ka qabaneysa.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi

