Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaaliyeed oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan dalkaas lagu dilay deegaan hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaasi.

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay dileen muwaadinkaasi oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan deegaanka Philippi oo kamid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in burcadka hubeysan ee u dhalatay dalkaas ay ku dhex toogatay goobtiisa ganacsi muwaadinkan Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Daahir Cali Xuseen.

Kooxdan burcadka ayaa sidoo kale waxay dhac u geysteen dukaanka marxuum Daahir Cali, iyaga oo intaas kadib iskaga baxsaday goobta, sida uu sheegay mid kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool deegaankaasi.

Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.

Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda kasoo baxday baaritaanka la sameeyay majirto.

Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi.