Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka qabsoomay kulan gaar ah oo u dhexeeyay dowladda federaalka Soomaaliya, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Hay’adda SoDMA ayaa wuxuu dhex-maray guddoomiyaha Hay’adda Maareynta iyo wasiirada gargaarka ee saddexdaas maamul goboleed.
Inta uu socday shika waxay dhinacyadu ka wada-hadleen sidii wadajir dadka sameynta ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada loogu gurman lahaa, si loo caawiyo dhibanayaasha, gaar ahaan qoysaska soo barakacay.
Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday in raashinkii dowlada Ruushka ugu deeqday Soomalaiya si siman si siman loogu qaybiyo dowladd Goboledyada dalka ka jira, kadibna la wada gaarsiiy bulshada tabaayalysan ee ku dhaqan koonfurta iyo bartmaha dalkeenna.
Dhankooda Wasiirada gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug Candiraxmaan Makaawi, Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo jubbland Dr Abdiraxmaan Maxamed ayaa u mahadnaqay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, waxayna sheegeen in weli xaalado adag oo nolosha ah ay ka jiraan deegaanadooda.
Waxaa kale oo ay ku ammaaneen Hay’adda SoDMA sida ay go’antahay caawinta iyo u gargaarida bulshada tabaayalysan ee ay dhibaatada kasoo gaartay xaaladda Elnino.
Kulankan waxaa ka maqnaa Puntland oo uu weli khilaaf kala dhexeeyo dowladda iyo HirShabelle oo aan la ogayn sababta ay uga baaqatay kulankan ka dhacay Muqdisho.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qaybo badan oo kamid ah gudaha dalka.