Muxuu Antonio Guterres ka yiri weerarkii Ceel Baraf?

New York (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waxaa si adag looga hadlay weerar ay waabarigii Talaadada kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Antonio Guterres wuxu marka hore si kulul u cambaareeyey weerarkaasi oo lagu laayey askar badan oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Burundi oo ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale waxaa tacsi tiiraanyo leh qoraalkan loogu diray dowladda iyo shacabka Burundi, wuxuuna xoghayaha sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajeeyey askarta dhaawacantay.

“Xoghayaha Guud wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii lagu laayay, sidoo kale wuxuu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Burundi. Wuxuu u rajeeyay caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay weerarkaas.” ayaa lagu yiri  arsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xoghayaha Stéphane Dujarric.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Xog-hayaha guud waxa uu bogaadinayaa dhammaan ciidamada ATMIS, waxa uuna si qoto dheer uga mahadcelinayaa adeeggooda iyo sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga iyo amniga Soomaaliya”.

Ugu dambeyn Antonio Guterres ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay kordhiso taageerada ay siiso howlgalka ATMIS, ex AMISOM, si looga adkaado Al-Shabaab.

“Xog-hayaha guud waxa uu mar kale ka codsanayaa beesha caalamka in ay taageero dhan walba ah siiyaan ATMIS iyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya, dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.” ayaa markale lagu yiri.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerarkan oo qaraxyo ku billowday ay ku dishay illaa 173 askari oo ka tirsanaa ciidanka Burundi, waxaana jirta askar kale oo nolosha lagu qabtay, inkastoo aan tiradooda la shaacin.