Muxuu A/Madoobe ka doonay Jabuti?

Kismaayo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba, Axmed Maxmaed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka amabaxay magaalada Kismaayo isagoona ku wajahan dalka Jabuuti.

Sidda la sheegayo Axmed Madoobe wuxuu casuumaad ka helay madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle oo isna safar ugu maqan dalka Maraykanka.

Xog badan lagama hayo wax yaabaha ay ka hadli doonaan labada nin balse waxaa warar lagu kalsoon ay muujinayaan in Axmed Madoobe uu kala hadli dooni Ismaacil Cumar siddii dowladiisa ay taageero u siin lahayd maamulka KMG ah ee Jubba.

Axmed Madoobe waxaa la socday xubno ka tirsan maamulkiisa.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa hadda u muuqda mid ka madax banaan dowladda fedaraalka Soomaali si iskiina uu xiriir ula galaayo dalalka dariska ah.

Axmed Madoobe ayaa horrey ula kulmay madaxda dalka Itoobiya iyo Kenya kuwaasoo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com