Kenyatta oo ka hadlay wixii ka dhacay dalkiisa si aad ahna u qeylo-dhaamiyey

Nairobi (Caasimada Online)- Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada isagoona ka warbixiyay qaraxyada galabta ka dhacay Suuqa Gikomba ee ku yaalla Nairobi.

Ugu yaraan 1o qof ayaa la sheegay in ay ku dhintayn labada qarax ku dhawaad 100 qof waa ay ku dhaawacmeyn sidda ay lee yihiib booliska.

“Argixisada ma dhalin Kenya waa kuwa jirra adduunka oo dhan sidda Nigeria iyo Afghanistan, waa kuwa weerarray London, New York, Boston, Kabul iyo meelo kale oo caalamka ah waa in loo mi doobaa siddii loola dagaallami lahaa” ayuu yiri Kenyatta.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in marnaba aaney argagixisada Kenya u oggolaan doonin in dalkooda qalqal galiyaan wuxuuna sheegay in laga adkaan doono.

Mr. Kenyatta ayaa sheegay in la adkeen doono ammaanka Kenya.

Dhinaca kale, wuxu madaxweynaha baaq u diray beesha caalamka isagoo yiri ” Kenya waxa ay u baahan tahay garab istaag maadama ay mareyso xaalad halis ah”

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay tilmaamay tallaabada reer galbeedku muwaadiniintooda uga baxsanayaan dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com