Madaxweyne Xasan oo ku dhowaaqay in uu xilka iska casili doono haddii….

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud, ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay khilaafka kala dhexeeya isaga iyo xubno ka tirsan baarlamaanka, isagoona si cad ah u sheegay haddii xildhibaannabada baarlamaanka ee ka soo horjeeda ka gar naqsadaan oo ay wax yaabaha ay ku eedeenayaan ay noqdaan kuwa sax ah in uu xafiiska baneenaayo.

Madaxweynaha oo xaley ka hadlaayay xaflad lagu maamuusaayay sannad guurradii ka soo wareegtay aas-aaskii ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL oo lagu qabtay Villa Somalia, ayaa sheegay in haddii warqadda loo keenay ee ahayd in uu casilo haddii wax yaabaha lagu eedeeyo sax noqdaan in uu ka dagaayo xafiiska.

“Xildhibaannada sharrafta leh ee dhawaan ii keenay warqadda, walaaca ay qabaan haddii uu sax yahay oo uu annaga iyo quseeyo waxaan diyaar u ahay in aan meesha ka baxo haddii ay jiraan cid kale oo ay ku socoto waxaan diyaar u nahay in aan meesha ka saarno, laakin ma rabno in dalkan uusan meesha ka dhaqaaqin, 20-kii billood ee la soo dhaafay wax badan oo noo qabsoomay ayaa jirta, wax badan oo aan qaban karnay oo aan ka gaabinay waa ay jiraan, wax badan oo noo dhimman waa ay jiraan, laakin horrey aan u wadno dalka, waayo bisha January ee soo socda waxaa u buuxsami doonta 25-sanno in aan dowlad la’aan ahayn” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha wuxuu kaloo sheegay in uu diyaar u yahay in uu la fadhiisto xildhibaannada ku kacsan si meesha looga saaro khilaafka meesha yaalla.

Muxuu ka yiri Imaaraadka Carabta in ay isaga diiddan yihiin?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud, ayaa si cad ah u beeniyay warar ay qorayn Websit-yada oo ah in dowladda Imaaraadka Carabta ay dhaqaale siisay xildhibaannada madaxweynaha ka dalbaday in uu is-casilo,kuwaasoo doonaya in madaxweynaha meesha laga saaro ama la dumiyo dowladda fedaraalka.

Wuxuu sheegay in warkaas uu been yahay oo waxbo aaney ka jirin sidda uu hadalka u dhigay isagoona intaas ku daray in Imaaraadka Carabta ay dalka ka wadaan mashaariic horrumarineed oo dalka anfacaya.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay weli meel sare uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo xubno ka tirsan baarlamaanka kuwaasoo doonaya in madaxweynaha meesha laga saaro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com