Sawirro: Xubno Damu-Jadiid ah oo si qarsoodi ah ula shiray SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Xisbiga PDP ahna Ergayga gaarkaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safaro qarsoodi ah ku tegay magaalada Hargeysa ee Somaliland sida ku cad muuqaalo iyo xog aan helnay.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Talada Somalia hayo {PDP} Saadad Mohamed Ali ayaa Magaalada Hargeysa shirar qarsoodiya kula leh Wasiiro ka tirsan Maamulka Somaliland.

sad2Lama oga Saadad Mohamed Ali iyo Wasiirada Somaliland waxay ka wada hadlayaan hase yeeshee safarkiisa ayaa ku beegan xilli ila wareedyo muhiima xaqiijiyeen in Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xersi Xaaji Cali socdaal qarsoodiya ku tegay Muqdisho, dhowr maalmood ka hor.

sad1Ergayga ka socda Xisbiga Peace and Development Party wuxuu bishoo April safar ku tegay Garowe,wuxuuna halkaas kula kulmay Madaxweyne Cabdiwali Gaas.

sad3Sida muuqato Somaliland waxay gashay heshiis qarsoodiya oo ay kaga laabatay qadiyadii hore looga mamnuucay in Siyaasiyiinta Dowladda Somalia ka tirsan booqan karaan degaanada maamulka Somaliland.

sad4Saadad oo qabiil ahaan u dhashay beesha Raxanweyn wuxuu ka mid yahay Kaadiriinta sare ee Urur diimeedka Damujadiid, wuxuuna sidoo kale ka mid yahay Saraakiisha Nabadsugida Dowladda gaar ahaan guutada sida Amniyaadka u tababaran ee Ruuxaanta loo yaqaan.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com