“C/Weli Gaas haddii uu cabasho qabo ha yimaado Xamar” Waxaa sidaas yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdullaahi Quuri oo ka mid ah qurba joogta Soomaalida, si weynna ugu dhuun-daloola arrimaha Soomaaliya, oo aragtidiisa ka dhiibanayey hadal ka soo yeeray Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Cabdullaahi Cumar (Cameey) oo sheegay in weli uu halkiisii yahay khilaafkii ka dhexeeyey Puntland & Dowladda Federaalka ayaa ku tilmaamay hadalkaasi doc-doceyn ay Puntland ku dooneyso in sed-bursi aaney xaq u laheyn ay kaga hesho dowladda Soomaaliya, wuxuuna Madaxda dowladda ugu baaqay inay hadaladaasi aaney dheg u dhigin.

Dr. Quuri, wuxuu sheegay in qoddobada ay ku doodeyso Puntland in ay isku afgaran laýihiin dowladda inuu yahay qoddobo shaki lagu gelinayo jiritaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo Puntland ay dooneysa in hab qoraalka qoddobkaasi loogu qoray dastuurka in laga dhigo in caasimada Muqdisho laga wareejin karo, wuxuuna qorshahaasi ku tilmaamay mid riyo ah.

“Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho gorgortan ma galeyso, waana astaanta Qaranka, maba laga wadahahadli karo. keliya waxaa ka wadahadli kara Soomaali isu tagtay oo afti inta iska qaaday meel kale u codeeya, laakiin qabiil keligiis inta meel istaago inuu yiraa caasimada ha la bedelo wax la qaadan karo ma ahan, R/wasaaruhuna waa in uusan ku kaadsoomin” ayuu yiri Quuri.

“C/weli Gaas haddii uu cabasho qabo waa in uu isagu Xamar yimaado oo sida madaxda maamulada kale loo qaabilo, dowladda ha naga deyso in ay noo sanduuleyso maamul ka mid ah maamulada Soomaalida, maamulkaas oo ah maamul qabiil ku saleysan. R/wasaare C/weli Sh. Axmed Maxéd haddii uu booqasho ku tagayo Soomaaliya oo Puntland na ay ka mid tahay meelaha uu ku tegayo waa wax suurtageli kara, laakiin meesha ay ka leedahay Puntland dowladdu heshiiskii bey inooga baxday inooma imaan karto, halkaas shaki weyn baan ka qabnaa, heshiisyadaasna waa kuwa dhaawacaya ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Cabdullaahi, wuxuuna intaa ku daray in xilligii uu R/wasaaraha ka ahaa xukuumadda (Cumar C/rashiid) inuu jiray heshiis marin habaabin ahaa oo markii dambe na lagu qalday R/wasaare Saacid, oo uu baarlamaanku laalay.

“Heshiiskaasi wuxuu ahaa kii uu Cumar C/rashiid soo saxiixay ee uu baarlamaankana uu ku gacan seyray. Qaladkii uu ku dhacay Ex. R/wasaare Saacid wuxuu ahaa markii uu u saxiixay in Puntland ay leedahay wax allaala wixii Soomaaliya loogu talogalay 25%, waxaan u soo jeedineynaa in dowladdu ay arrintaasi si mug leh kaga fiirsato, Yaa Soomaali tiriyey oo yiri “Puntland waxey Soomaaliya ka tahay 25%” ayuu yiri Cabdullaahi Quuri.

“Maamul goboleedyadu waxaa kuwa ka tarjumaya danaha qabiilkooda, dowladduna waxey madax ka tahay waddanka oo dhan, maamul ka mid ah maamul goboleedyada inay dowladda u hanjabaan waxey liidnimo ku tahay dowladda, waana in dowladdu aaney ka hoos qaadin hadalada ka soo yeeraya maamulkaas” ayuu yiri Dr. Quuri, wuxuuna xusay in maamuladu ay isku daysan karaan, oo mid hadalka ka soo yeera uu kan kale la iman karo, isaga oo ugu baaqay doorka dowladdu inay tahay in hannaan cadaaladeed in ay kula dhaqanto Gobolada dalka oo dhan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.cm