Muxuu Biixi ka yiri muranka doorashada Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo la u warramay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan xasaradaha siyaasadeed ee ka jira magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Biixi ayaa si gaar ah uga hadlay muranka hareeyey doorashada, wuxuuna iska fogeeyey eedeymaha uga imaanaya mucaaradka ee ku aadan inuu diidan yahay doorashada.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in uusan awood u laheyn inuu dib u dhigo doorashada guud ee Somaliland, isla-markaana ay dhaceyso.

“Qolada mucaaradka waxa ay igu yiraahdaan kursiga ayuu sii dheereysanayaa horta awooddaas ma leeyahay? Tan kale ma doonayo neynaas ah waa loo kordhiyay, markii hore har cad ayaan la tartamay haddana kuwa soo bixi doona har cad ayaa la tartamayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waa digteetar! Digtaarooriyad oo ah wixii aan rag ka diiday in aan Dad kale ku sameeyo xaashaa-lillaahi igama suurowdo, Walaa Xisbiyada iyo walaalahey kama suuragasho”.

Dhinaca kale wuxuu soo hadlay qaaday dibad-baxyada isaga ka dhanka ah ee ay abaabulayaan xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID, wuxuuna hoosta ka xariiqay in sababta ay u diideen ay tahay ilaalinta nabad-gelyada, si looga fogaado isku dhacyo.

“Mudaharaadka sida loo dhigayo xeer ayaa dhigaya, waxaa ugu horreeya nabadgalyada, muwaadinkasta iyo hantidiisa in ay nabadgasho, waraaq wargelin ayay soo qareen waxaa loogu jawaabay isku kaaya keena way ka caroodeen, Amniga xil baa naga saaran, aad ayaa u ixtiraamnaa Xisbiyada jooga & kuwa imaan doonaa” ayuu markale yiri Muuse Biixi.

Somaliland ayaa wajaheyso xaalad adag oo ka dhalay qabashada doorashada oo ku asteysan 13-ka November ee sanadkan 2022-ka, waxaana haatan isku haya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID oo si weyn ugu kacsan Muuse Biixi Cabdi.