Muxuu C/fataax Shaaweey kasoo doonay Ingiriiska oo horey ugu diiday sharci?

London (Caasimada Online) – C/fataax Ibrahim Cumar Shaaweey oo hadda ah agaasime ku xigeenka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa booqasho ku yimid magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo sanado ka hor dowladda Ingiriiska ay u diiday inay siiso sharciga deganaanshaha UK.

Mr. Shaaweey oo hadda casuumaad dowladeed ku yimid ayaa booqashadiisa ay tahay mid uu magaalada London ugu qeyb gelaayo aqoon kororsi ku saabsan arrimaha socdaalka.

Shirkaan ayaa ka qeybgalaaya wakiilo ka socda Immigration-da dalal dhowr ah oo qaarada Afrika ah, waxaana uu madalayaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Somalia.

C/fataax Shaaweey ayaa mudo sanado ah ku noolaa magaalada London, isagoo dowladda Ingiriiska ka waayay deganaanshaha ama sharciga dadka magangelyo doonka ah ama kuwa baxsadka ah ee arrimo jira awgood dalalkooda ugu soo barara, hase ahaatee sanado kadib isaga tegay UK, isagoo dalkii ku laabtay.

Arrinta dadka London ee aqoonta u leh C/fataax Shaaweey ay isweydiinayaan ayaa ah in dowladdii shalay sharciga u diiday in ay maanta casuumaad visa ah soo siiso isagoo weliba mas’uul ah.

Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online London