Muxuu Fiqi ka yiri xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo horey u soo noqday wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda Koonfur Galbeed, kadib markii dhowaan isbaheysi ka dhan ah Lafta Gareen looga dhawaaqay Muqdisho.

Cabdixakiin Fiqi oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa taageero weyn u muujiyey madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, wuxuuna sheegay inay sharci darro halka sano ee loogu daray muddo xileedkiisa, si la’isku waafajiyo doorashada madaxweynaha iyo sidoo kale midda baarlamaanka ee maamulkaasi.

“Muddada madaxweynaha waa afar sanno, laakiin halkaan sanno ay ka timid waqtigii madaxweyne Shariif Xasan joogay gaabkaas galay oo dhismihii xukuumadda iyo aas-aasidii baarlamaanka ay hal sanno kala horreeyeen, hadda in la’is waafajiyo waa wax wanaagsan, aniga in la’is waafajiyo ayaan qabaa,” ayuu wareysigaan ku yiri Cabdixakiin Xaaji Fiqi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaan go’aan maamul oo ay horey u soo saareen golaha wakiilada ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Arrintaan baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey oo aqlabiyad ku ogolaaday, waa arrin loo baahan yahay in sideeda loo daayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Siyaasi Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo deegaan ahaan ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ku baaqay in aan lagu soo dirin xaaladda maamulka oo haatan wajahayo daruufo adag oo ay ka mid yihiin dagaalka kooxda Al-Shabaab iyo abaaraha ka jira maamulkaasi.

“Koonfur Galbeed waxaa jira daruufo aan badanaa ka jirin dowlad goboleedyada kale, waxaa ku badan Al-Shabaab, waxaa kale oo jira abaaro, waxaa jira isku socod la’aan degmooyinka ah iyo gobollada Koonfur Galbeed inay kala xiran yihiin, marka ayada oo la fiirinaayo daruufahaas adag ee jira inaan maanta buuq la furin” ayuu markale yiri.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada haatan si weyn la’isugu hayo arrinta muddo xileedka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ay in badan ka soo horjeesteen siyaasiyiinta ka soo jeeda maamulkaasi, gaar ahaan kuwa mucaaradka ku ah madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo dhowaan isbaheysi siyaasadeed kaga dhowaaqay magaalada Muqdisho.