Muxuu Cumar C/rashiid ka yiri fashilka shirki Afisyooni?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo hadda ah Senator kamid ah Aqalka Sarre ayaa shaaciyey ujeedka ay madaxda waqtigooda dhamaaday ka leeyihiin fashilinta wada-hadalada doorashada.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in sababta ay madaxda dowladda waqtigooda dhamaaday u bur-burinayaan wada-hadalada ay tahay helista ‘muddo kororsi aan la meel-marin’, maadama ay xilka sii haynayaan, oo ay sii joogayaan ilaa inta la helayo hay’addihii badeli lahaa, midaasi oo ku imaan karta heshiis laga gaaro khilaafka taagan.

“Ujeedada laga leeyahay in la carqaladeeyo wadahadalada su ay u burburaan waa kordhinta waqtiga hay’adaha dowladda, iyada oo uusan jirin heshiis siyaasadeed oo taageeraya, waxayna kaliya halis ugu jirtaa inay keento xasillooni darro iyo kala qaybsanaan,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Sidoo kale waxa uu ka digay in qorshaha lagu bur-burinayo wada-hadalada doorashooyinkii ay horseedi karaan halis hor leh oo keeni karta xasilooni darro iyo iska-hor-imaad siyaasadeed oo lagu kala qeybsamo.

Hadalka ra’iisal wasaarihii hore ee dalka ayaa imanaya xili ay dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ku dhawaaqday inuu fashilmay shirkii Afisyooni oo ay maalmihii u dambeeyay isku hor fadhiyeen madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Wasiirka Warfaafinta xilka sii haya Cismaan Dubbe oo shir jaraa’id qabtay ayaa guul-darrada shirka ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, isaga oo sheegay inaysan rabin inay dalka ka dhacdo doorasho.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in  labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn,” ayuu yiri Dubbe.

Waxaa eedeyntaas iska fogeeyay madaxda Puntland iyo Jubbaland oo ayaguna shalay si wada-jir ah usoo saaray War-saxaafadeed ay ku sheegayaan in labadooda maamul aysan ka warheyn fashilka ay dowladda federaalku ka sheegtay shirarkii ka socday Afisyoone, islamarkaana ay diyaar u yihiin in wada-hadallada ay sii socdaan.

Puntland iyo Jubaland waxay qoraalkooda ku cadeeyeen in umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay la wadaagayaan in mudo bil ah ay u Muqdisho u joogaan sidii uu ku qabsoomi lahaa shirkii wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee lagu balamay, balse hadda ay u muuqato in garabka dowladda federaalka ay howshu ka socon la’dahay.

Arrintan ayaa meesha ka saaraysa in xili dhow heshiis ay gaaraan dhinacyada isku haya doorashada, waxaana la fahamsan yahay in madaxda dowladda ay rabaan inay sii joogaan, xili uu muddo xileedkeedi sharciga ahaa uu dhamaaday 8-Febraayo ee horaantii sanadkaan.