Muxuu CUMAR Cabdirashiid ku macneeyey arrinta ay ku dhaqaaqday Somaliland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarkee ayaa si weyn u dhaliilay raafka ay Somaliland ku billowday dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo boqolaal ka mid ah shalay laga masaafuriyey magaalada Laascaanood.

Somaliland ayaa dadkaas ku gurtay gawaari xamuul ah, waxaana sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ay muujinayaan ganacsatadii Laascaanood ee ka soo jeeda koonfurta oo laga soo saaray magaaladaasi, iyada oo hantidoodii ay taal halkaasi.

Cumar Cabdirashiid ayaa tallaabada ay qaaday Somaliland ku tilmaamay inay ka dhigan tahay meel aad u hooseysa oo anshax ahaan iyo siyaasad ahaan ay gaartay Somaliland.

“Raafka qasabka ah ee lagu soo bandhigay Laascaanood waxay astaan u noqon doontaa meel aad u hooseysa oo ay Somaliland gaartay anshax ahaan iyo siyaasad ahaan. In si qaldan bulsho loogu eedeeyo duruufaha ku hareereysan magaalada, ma dhallin doono xasilloonida la raadinayo, waxbana kama qaban doonto isbeddellada siyaasadeed ee hoose,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Twitter.

Taliyaha booliska gobolka Sool ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay si gaar ah u beegsan doonaan dadka aan u dhalan deegaanadaasi ee ku sugan gobolka, wuxuuna tilmaamay in dadka kasoo jeeda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ula midyihiin Itoobiyaanka iyo ajaaniibta kale, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajnabi, waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale waana ka saaraynaa Laascaanood,” ayuu yiri taliyaha

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray “Annaga Soomaali ma nihin waxbana nagam gelin waxaanu nahay Somaliland,”.

Hadalkan ayaa dad badan la yaab ku noqday, waxaana si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.