Muxuu Fahad Yaasiin ka yiri qorshaha VILLA SOMALIA ee wax ka beddelka dastuurka?

Doha (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranke ee (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta qoraal kasoo saaray qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee Villa Somalia ay wado.

Fahad ayaa marka hore sheegay in dastuurka uusan ka baxeyn kumeel-gaar illaa laga helo afti dadweyne oo uu ku noqdo mid rasmi ah, sidaas darteed aysan waxba soo kordhineyn wax ka beddel lagu sameeyo, si loo dhameystiro.

“Maxay tahay xikmadda ka dambeysa in mid heshiis lagu yahay oo qabyo ahaa lagu baddalo mid kaloo cusub oo aan heshiis lagu ahayn oo misana qabyo kale ah!,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad Yaasiin

Sheekada ah dastuur ayaa la dhammeystirayaa oo kumeel gaarka ayuu ka baxayaa waa mid aan bislayn waayo dastuurkan wax kasta oo laga baddalo wuxuu wali ahaanayaa kumeel gaar ilaa laga helo afti dadwayne oo uu ku noqdo mid rasmi ah.

Sidoo kale, inta ay Somaliland maqan tahay oo dalkuna uu kala qoqoban yahay dastuurku kama baxayo kumeel gaar.

Maxay tahay xikmadda ka dambeysa in mid heshiis lagu yahay oo qabyo ahaa lagu baddalo mid kaloo cusub oo aan heshiis lagu ahayn oo misana qabyo kale ah!.

Mudane Xamze Cabdi Barre waa masuulkii ugu horreeyey oo taariikhda ku galay inuu horboodo xeer ku dhawaaqaya inuu yahay Ra’iisal Wasaarihii ugu dambeeyey ee dalka.

Baarlamaanka 11aad isaguna malaga yaabaa inuu ku daydo Mudane Xamze oo ay u codeeyaan dastuurkan uu isku cabiray Madaxweynaha ee lagu tirtirayo dhammaan awoodihii Baarlamaanadii dalka soo maray oo idil?.