Maxaad ka ogtahay ‘waxa berri ka dhacaya’ baarlamanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sabtida berri ah oo bishu tahay 30-ka March, baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu cod u qaado ansixinta afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka.

Sida Villa Somalia ay qorsheysay la’lama sugi doono 11-ka cutub ee dhiman. Nuqulka ugu dambeeya afartaan cutub ayaa shalay lala wadaagay Xildhibaannada.

Waxyaaba ku qoran cutubka afaraad waxaa kamid ah inuu dalka yeesho ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu eryi karo markii uu doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay cadaadis ku saabsan sameynta madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ayaa hadda u guuray ra’iisul wasaare uu isagu xilka ka qaadi karo.

Villa Somalia ayaa xilligaan dadaal xooggan ugu jirta sidii maalinta berri ah uu meel-mar u noqon lahaa wax ka beddelka dastuurka ee ay rabto, waxayna dooneysa in cod gacan taag ah ay mudaneyaasha labada aqal ku meel-mariyaan dastuurka.

Markii ugu horaysay taariikhda siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa dhici karta in xildhibaan uu Sabtiga u codeeyo baarlamaan aan madaxweyne dooranaynin, ra’iisul wasaarana xil ka qaadi karin, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiyiinta mucaaradka qaar ayaa qaba in waxaas oo idil ay ku soo dhammaanayaan “xilka waan haynayaa ilaa doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah dalka ka dhacdo,” si lamid ah sancadii madaxweynihii xilka uga horreeyey oo la soo hormariyey.

Maamul goboleedka Puntland ayaa dhankeeda cadeysay in aanay qeyb ka noqon doonin qorshaha dastuur ee madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay ku tilmaameen mid xambaarsan “talo maroorsi”, ayada oo shaki gelisay sharciyad ahaantiisa haddii la meel-mariyo.

Si kastaba, Dowladda Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaysa in la meel-mariyo wax ka beddelka dastuurka oo madaxdii hore si adag uga horyimaadeen, waxaana socda isku-deygii u dambeeyay ee lagu doonayo in Sabtida berri ah loogu coddeeyo wax ka beddelka lagu muransan yahay.