29.9 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Dukumintiyo muhiim ah iyo hub ay leeyihiin Shabaab oo gacanta lagu dhigay + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa la dagaallanka argagixisada ayaa howlgal guuleystay ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu soo qabtay dukumintiyo muhiim ah iyo hub ay leeyihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana ay ku qaadi jireen lacago baad ah.

Howlgalkan oo daba socday xog sirdoon oo la helay ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-qaadatay laanta baarista dambiyada ee C.I.D, waxaa sidoo kale lagu dilay horjooge ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, halka laba kalena lagu dhaawacay.

Horjoogaha la dilay oo lagu magacaabo Zakariye ayaa mas’uul ka ahaa jarista boonooyinka lagu qaado lacagaha baadda ah ee kooxda, halka labada dhaawacay lagu kala magacaaabo Xasan Cabdiraxmaan oo Khawaariijta u qaabilsanaa deegaanka Jambaluul iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Geele.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed;-

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka duulaya xogo sirdoon ayaa hawlgal loogu magac daray WAABARI ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qeybta Baarista Dembiya ee CID ayaa qeyb ka aheyd Howlgalkaan guleeystay oo dhacay Taariikhda marka aheyd 18-04-2026, abaaro 9:00 subaxnimo, Ciidanka Gaarka ah ee La-dagaalanka Argagixisada, ayaa burburiyey bar kontorool iyo xarun ay kooxaha Khawaariijta ah uga qaadi jireen lacagaha baadda ah dadka rayidka ah ee isticmaala waddada deegaanka Jambaluul.

Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa khaarijiyey horjooge lagu magacaabo Zakariye, oo masuul ka ahaa jarista boonooyinka lagu qaado lacagaha baadda ah.

Sidoo kale, waxaa howlgalkaas lagu dhaawacay laba horjooge oo lagu kala magacaabo Xasan Cabdiraxmaan oo Khawaariijta u qaabilsanaa deegaanka Jambaluul iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Geele.

Ciidamada ayaa sidoo kale goobta ka soo qaaday boonooyinkii lagu qaadi jiray baadda, hub iyo mooto uu lahaa horjoogihii la khaarijiyey.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Taliska La-dagaalanka Argagixisada, ay kaga jawaabayaan cabashooyinka bulshada ee ku aaddan baadda sharci-darrada ah ee ay kooxaha Khawaariijta ka qaadaan dadka rayidka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News